Xasan Sheekh oo shir xasaasi ah isugu yeeray guddiga la-dagaalanka …

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyay Shirka Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada.

Shirkaas ayaa galabta lagu qabtay Xafiiska Amniga Qaranka ee Xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Guddiga ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixinno ku saabsan hannaankooda shaqo, guulaha laga gaaray xakamaynta ilaha dhaqaale ee Khawaarijta iyo qorsheyaasha cusub ee lagu wajahayo xeeladaha dhaqaale abuurka Argagixisada.

Sidoo kale kulanka waxaa lagu soo bandhigay xogta shaqsiyaad ka tirsan Khawaarijta oo lagu soo rogayo cuna-qabatayn dhaqaale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul istaagay muhiimadda dagaalka ka dhanka ah dhaqaalaha ee Argagixisadu u leeyahay ciribtirka Khawaarijta iyo nabad kusoo dabaalidda dalka.

Madaxweynaha ayaa faray masuuliyiinta ku mideysan Guddigan in la dardar geliyo qorsheyaasha burburinta ilaha dhaqaale ee Khawaarijta iyo ciribtirka khataraha maaliyadeed ee dalka, gaar ahaan lacag dhaqidda.

Dowladda Soomaaliya ayaa Khawaarijta Al-Shabaab la gashay dagaal dhaqaale oo aad u culus, waxaana laga gaaray natiijo weyn sida lagu soo bandhigay warbixinta guddiga.

Mar kale ayaa laga fekerayaa sidii loo dardar gelin laha dagaalka dhaqaale ee lahu hayo Al-Shabaab, kooxda ayaa hadda ku jirta dhiigbax dhaqaale, waxaana socda qorshe looga sii darayo.



Source link