Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku qaabilay Dileyta

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti Dileyta Maxamed Dileyta oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda ay u leedahay labada dal ee Jabuuti iyo Soomaaliya iskaashi diblomaasiyadeed iyo ka shaqeynta wax wada qabsi wadajir ah, taas oo gobolka u horseedi karta horumar, is-ixtiraam, amni, nabad iyo xasillooni waarta.

Dhankiisa guddoomiye Dileyta Maxamed ayaa shacabka iyo dowlad uga mahad-celiyey soo dhaweynta diiran, isaga oo bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti oo booqasho ku jooga caasimada ayaa sidoo kale waxa uu maanta marti ku ahaa oo uu ka qeyb-galay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen xildhibaanada golaha shacabka.

Dileyta oo kulankaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa ayaa ugu horeyn ka mahad-celiyay soo dhaweynta diiran ee loogu sameeyay Muqdisho, isagoo sheegay inay sii socon doonaan booqashooyinka madaxda iyo xildhibaanada labada baarlamaan, si loo xoojiyo xiriirka walaalnimo ee labada shacab.

“Waxaan ka mahadcelinayaa casuumadda iyo soo dhaweynta walaalnimo ee uu inoo sameeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaan halkan ka cadeynayaa in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu si joogta ah ugu howlan yahay sidii Soomaaliya u heli lahayd xasilooni iyo nabad waarta, isagoo mar walbo ku dhagan sidoo kalena adkeynaya walaalnimada iyo wadajirka ka dhaxeeya Jabuuti iyo Soomaaliya,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan Alle ka baryayaa inuu barakadiisa u hibeeyo dadkeena, labada dalna ka nabad geliyo wax kasta oo dhibaato iyo qalalaase ah.”



Source link