Xasan Sheekh oo laga lumiyay furihii baarlamaanka – Sidee wax u dhaceen?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulamadiisa loo xayiray cabsi laga qabo inay gacanta iskula tagaan xildhibaanno dhawaan warbaahinta iskaga hanjabay.

Xildhibaanno dhanka madaxweynaha raacsan reer ahaan iyo siyaasad ahaanba iyo kuwo kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed oo taageeray dadkii dhawaan isugu soo baxay degmooyinka Xudur iyo Waajid ayaa warbaahita, kulamo caadi ah iyo telefoono iskaga hanjabay.

Sida aan kasoo xiganay mudnayaal ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe ayaa si weyn ugu mashquulsan inuu xaliyo xiisaddan.

Inta uu xiisaddan ka xalinayo waxaa la sheegay in guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu go’aansaday in uusan furin golaha shacabka, si looga baaqsado in ay xaaladdu kasii darto.

Haddaba, inuu golaha furmi waayo iyo inuu sii kala qeybsamo yaa dhib ku qaba?

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu dhawaan golaha wasiirrada ee dowladda federaalka ah marsaday sharciga doorashooyinka iyo midka axsaabta, iyada oo mucaaradka ay diidan yihiin.

Waxaa kale oo marhore baarlamaanka loo gudbiyay sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka. Fadhiyada soo socda ee baarlamaanka waxaa la rabay in saddexdaas arrimood diirada la saaro, laakiin hadda jihadii baarlamaanka waa kala qeybsantay.

Xildhibaanno rabay inay madaxweynaha iska iibiyaan oo sidaasi wax uga qaatan iyo qaar x



Source link