Kigali (Wararka Maanta) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Rwanda Mudane Paul Kagame oo uu ka qeyb-galay caleemo-saarkiisa.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah iyaga adkeeyay doorka muhiimka ah ee iskaashiga gobolka uu ka qaadan karo wax ka qabashada caqabadaha iyo la dagaallanka argagixisada.
Madaxweyne Paul Kagam ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey horumarka ay ka gaartay dhinacyada, amniga, diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha.
Sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in Rwanda ay taageeri doonto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, ee dib usoo kabashada ku jira.
Paul Kagame ayaa Axaddii shalay loo dhaariyay xafiiska madaxweynaha dalkaasi dhaca Bariga Africa shanta sano ee soo socota, ka dib markii uu si aqlabiyad leh ugu guuleystay doorashadii bishii hore.
Kagame oo ah 66 sano jir ayaa helay 99.18% codadki la dhiibtay bishii July, kadib markii ay guddiga doorashada ay tartanka doorashada ka reebeen illaa 8 murashax oo isu soo taagtay doorashada. Xilka cusub ee Kagame ayaa ka dhigan in maamulkiisa Rwanda uu gaari doono ku dhawaad rubuc qarni.
Madaxda reer Galbeed iyo kuwa gobolka ayaa Kagame ku ammaanay sida uu dalka uga soo saaray mushkiladihi ka dhashay xasuuqii sannadki 2094-ki iyo sida uu ugu guuleystay soo jiidashada maalgashadayaasha caalamiga ah ee Rwanda.