Xasan Sheekh oo ku jahwareersan laba hab midii uu Lafta-gareen kula ceeshi lahaa

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Magaalada Muqdisho waxaa Talaadaddii ka dhacay kulan u dhaxeeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha mucaaradka ee Koonfur Galbeed.

Kulankan oo uu dalbaday madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yimid 24 saac kadib markii Cabdicasiis Lafta-gareen uu farriimo weerar ah kasoo tuuray magaalada Baydhabo, isaggoo la saftay dadkii iskugu soo baxay magaalooyinka Xudur iyo Waajib ee dalbaday inay ciidanka Itoobiya sii joogaan dalka. Dhinaca kalena uu halyeey ku tilmaamay xildhibaannadii difaacay dhacdadaas.

Isla maalintaas wuxuu Xasan Sheekh howl-galiyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, oo uu u diray inuu Lafta-gareen la hadlo oo xaalada dejiyo kuna qanciyo inuu yimaado shirka soo socda ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Isla madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu habeen hore wada-tashi deg deg ah oo arrimaha Koonfur Galbeed la xiriira ugu yeeray xubno ka tirsan xisbigiisa UPD, isaggoo aad uga careysan wixii uu ku hadlay Lafta-gareen, waxayna doodooda ku saleysneyd inay dagaal siyaasadeed u diyaar garoobaan.

Markale isla madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ra’iisul wasaare Xamza iyo Taliyaha NISA Sanbaloolshe kala hadlay inay Baydhabo tagaan oo ay Lafta-gareen xaaladiisa soo dejiyaan.

Afartaasi tallaabo waa laba dagaal ah iyo laba nabad raadin ah, waana 48 saac gudahood, waxaana sameeyay hal qof, dabcan tani waa jahwareer siyaasadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh laba unba mid laga filaayay, laakiin tallaabooyinkan is-burinaya waxay shaki xoog leh kusii abuurayaan Lafta-gareen. Xasan Sheekh haddii Lafta-gareen uu nabad ka rabo ma aheyn inuu mucaaradkiisa u yeerto, haddii uu dagaal rabana ma aheyn inuu Sheekh Aadan Madoobe farriin nabadeed u dhiibo.

Tani waa caddeynta sida madaxweynaha ugu sugan yahay xaalad siyaasadeed oo aan fadhin. Kulankii shalay ee Xasan Sheekh iyo mucaaradka Koonfur Galbeed marka laga tago inuu Xasan goodin uga jeedo kulanka, haddana xogta labada dhinac laga helay waxay ku eekeyd laba qodob.

Mid waa inuu Xasan Sheekh fasaxay dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed ee mucaaradka Koonfur Galbeed, sida inay tegi karaan magaalada Baydhabo iyo deegaanada kale ee maamulka oo olole bilaabi karaan.

Midna waa inuu Xasan Sheekh ku yiri mucaaradka Koonfur Galbeed, shirka soo socda ee Golaha Wadatashiga Qaran haddii ay maamullada iga diidan inay arrinta guddiga doorashada iyo sharciga doorashooyinka igala shaqeeyaan waxaan qaadan doona go’aan deg deg ah, waxaana iska kaashan doona sidii Lafta-gareen loo bixin lahaa.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa shalay tegay Baydhabo, iyada oo ujeedka yahay inuu xaalka Lafta-gareen soo dejiyo, oo uu kusoo qanciyaa inuu Muqdisho yimaado oo uu ka qeyb-galo shirka soo socda ee Golaha Wadatashiga Qaran, oo Xasan Sheekh uu la galo wada-hadal cusub.

Mar haddii Xasan Sheekh deg deg ugu yeertay mucaaradka Koonfur Galbeed isaga oo Lafta-gareen u jawaabaya ma cadda sida inta dhiman la isku aamini karo. Dowladdana waxaa ka muuqata jahwareer inay garan la’dahay dariiqa ay u mareyso waxa ay rabto ayey leeyihiin dadka ka faalloonaya mowduucan.

Dad ku dhow dhow Lafta-gareen ayaa laga soo xiganaya inuu kasii carooday labada tallaabo ee madaxweyne Xasan Sheekh u qaaday dhinaca dagaalka, taasina ay humaag badan gelin doonto sii wada socoshada.



Source link