Xasan Sheekh oo ka degay Asmara + Qorshaha safarkiisa (Sawirro)

Posted on

Asmara (Wararka Maanta) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar shaqo ku tagay magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa markii ay ka degeen garoonka diyaaradaha ee Asmara waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay madaxweynaha dalkaasi Isaias Afwerki, ayada oo kadib loo galbiyey xarunta madaxtooyada.

Labada Madaxweyne ayaa yeelan doona kulan ay kaga wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale arrimo badan oo muhiim u ah iskaashiga labada dal.

Safarkan weli wax war ah kama soo saarin Villa Somalia, mana ahan mid horey loo sii shaaciyay, wuxuuna kusoo aadaya xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Horraantii sanadkan unbey aheyd markii madaxweynaha uu safar ku tegay Asmara, maalmo un kadib markii Itoobiya iyo Somaliland ay heshiis is-afgarad ku gaareen Addis Ababa, kaasi oo madaxweyne Muuse Biixi uu Itoobiyaanka ugu saxiixay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Is-afgaradka ay la gashay Itoobiya ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20KM ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand “u fidinayso aqoonsi.” Hase yeeshee weli heshiiskan mana noqon mid dhaqan-gala.

Xiriirka Eritrea iyo Itoobiya ayaa xumaa tan iyo markii uu dhammaaday dagaalka gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, oo ay heshiiyeen xukuumadda Abiy iyo Jabhadda TPLF, waxayna Soomaaliya xilligaan u aragtaa saaxiib muhiim ah.



Source link