Xasan Sheekh oo gardarada Itoobiya ka sheegay shir xasaasi ah oo ka socda Beijing

Posted on

Beijing (Wararka Maanta) – Madaxweynaha Soomalaiya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad dheer ka jeediyey shirka Shiinaha iyo Afrika ee Beijing ka socda, wuxuuna ka hadlay arrimo badan oo xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya ay ku jirto, isagoo ugu horeyn Shiinaha ku amaanay abaabulka shirkaan weyn ee la isugu keenay madaxda Afrika, sidoo kale wuxuu ka hadlay dagaalka argagixisada ee ka socda Soomaaliya.

“Shiinaha waa saaxiib wanaagsan oo taariikhi ah oo aan dooneyno inaan xoojino xiriirka naga dhexeeya dhammaan dhinacyada faa’iidada wadaagga ah, iyadoo la raacayo qaab-dhismeedka madashan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu sheegay in si Afrika ay u gaarto  awoodeeda buuxda, inay lama huraan tahay in wadajir loo abuuro mustaqbal wadaag ah oo lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo amni caalami ah, taas oo saldhig u noqon doonta horumarinta iyo casriyeynta qaaradda.

“Maadaama maanta Afrika ay hoy u tahay inta badan colaadaha dunida, waa inaan laba laabno dadaalkeenna si aan u xakameyno rabshadaha iyo faafitaanka hubka, isla markaana aan u dhisno aasaas adag oo lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo horumar waara,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladiisu ay si geesinimo leh ugu guuleysatay dagaallada ka dhanka ah kooxda argagixisada caalamiga ah ka haray ee Al-Shabaab iyo Daacish, isla markaana ciiidamada Soomaaliya ay si weyn u jabiyeen argagixisada, iyagoo taageero ka helaya shacabka iyo howlgalka ATMIS.

“Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan waddamada Afrikaanka ah ee ciidanka iyo booliska ku tabarucay ATMIS, waana muuqataa in dadaalkayaga wadajirka ah iyo naf-hurnimada aan galnay ay keentay xasillooni Soomaaliya gudaheeda, Geeska Afrika, iyo qaaradda Afrika oo dhan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku sheegay in natiijada, heshiiska (MOU) ay Itoobiya la saxiixatay maamulka goboleed ka tirsan Soomaaliya uu khatar cusub ku yahay dadaalada gobolka, qaaradda iyo guud ahaan adduunka.

“Illaa hadda, dadaalkayaga ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah wuxuu sababay xoraynta in ka badan 80 magaalo, tuulooyin iyo deegaanno kale, qabashada ama dilidda hoggaamiyeyaal argagixiso oo sar-sare. Waxaan sii wadaynaa dagaalkaan ilaa laga tirtiro Al-Shabaab, waxaana shacabka Soomaaliyeed ay heli doonaan fursad ay si nabad ah ugu dhistaan noloshooda, bulshadooda, iyo qaranimadooda,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa sheegay in xilligan casriga ah ee dunida isku xiran tahay, amnigu uusan aheyn mid ku kooban xuduudaha qaaradaha, isla markaana aysan suurtagal noqon karin in la gaaro nabad waarta iyo ammaan caalami ah, iyadoo ay jirto horumar la’aan iyo fursado aan sinayn oo adduunka ah.

“Sidaa darteed, iyadoo loo marayo qorshaha madashan, waxaan rajeyneynaa in xiriirka Afrika iyo Shiinaha uu dib u eegis ku sameeyo oo uu xoojiyo dadaallada lagu dhiso laguna ilaaliyo nabadda qaaradda Afrika, iyadoo mudnaanta la siinayo qorshayaasha hormarineed,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasab Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay si xoog leh u garabtaagan tahay  Siyaasadda Hal Shiine, isla markaana si weyn ay uga mahadcelinayso dowladda Shiinaha taageerada joogtada ah ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ay u muujiso, si waafaqsan shuruucda caalamiga ah iyo qawaaniinta Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

“Soomaaliya waxay ku faraxsan tahay inay Shiinaha ku weheliso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Janaayo 2025, iyadoo noqoneysa xubin aan joogto ahayn muddo labo sano ah. Waxaan rabnaa inaan iskaashi la sameyno dhammaan xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka, oo Shiinaha kujiro, si aan u horumarino nabadda iyo amniga caalamka,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa gabagabadii khudbadiisa yiri “Khibradda Soomaaliya waxay na tuseysaa in xasillooni-darro meel kasta ay khatar ku tahay dhamaan caalamka. Sidaas darteed, waa in aan wadajir u wajahnaa caqabadaha argagixisada iyo ammaan la’aanta, si aan u dhisno mustaqbal wadaag ah oo leh nabad waarta iyo ammaan caalami ah.”

“Nabad waarta iyo ammaan caalami ah waa arrin muhiim u ah horumarka caalamka oo dhan. Aan wadajir u gaadhno yoolkan muhiimka ah,” ayuu khudbadiisa ku soo gabagabeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shirweynaha iskaashiga Shiinaha iyo Afrika.



Source link