Muqdisho (Wararka Maanta) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi dheer siiyey Telefishinka Aljazeera, isagoo si qota dheer uga hadlay xiisadda Soomaaliya kala dhaxeysa Itoobiya, damaca Itoobiyaanka uga jira badda Soomaaliya iyo mowqifka Soomaalida, hubka ay Itoobiya soo gelineyso gudaha Soomaaliya iyo heshiiska difaaca ee Masar, waxaana soo tartumnay khudbadda qeybtii uu Madaxweynuhu kaga hadlay xiisadda iyo qalaalaasaha ay Itoobiya ka abuureyso Gobolka.
Hoos ka akhriso:-
Mawqifkeenu aad buu u cad yahay, Waxaan door bidnaa in xal nabadeed lagu gaaro wadahadal, waxa la isku dayay kaliya saddex jeer wadahadalada ilaa iyo hadda, Mid ka mid ah wuxuu ku dhacay Nairobi, Kenya, laba jeerna waxaa lagu kulmay Turkiga.
Mawqifkeenu mar kasta waa cadyahay, wuxuu ahaa mid had iyo jeer joogto ah. Waxaan u sheegnay Itoobiya inay soo maraan jidka saxda ah, iyadoo la raacaysa xeerar iyo qawaaniin caalamiga ah oo la isku raacsan yahay ee jira.
Abiy Axmed waxaan rabay in aan ku idhaahdo waxaa jira 16 wadan oo Afrikaan ah oo aan bad lahayn, dhamaantoodna waxay haystaan dekado ay isticmaalaan.
Laakiin Dhibaatada Itoobiya ma aha marinka badda oo ay isticmaasho, Itoobiya waxay rabtay inay dhul Soomaaliyeed qabsato, dhulkeedana ku darsato, sababtoo ah Itoobiya waxay isticmaali kartaa badda Jabuuti, Waxay isticmaali kartaa Kenya, marka ujeedadeedu maaha inay bad isticmaalaan ee ujeedkoodu waa in ay dhul goostaan oo ay ka qaataan Soomaaliya.
Waxa kale oo ay ku riyoonayaan in ay Saldhig Ciidan ka samaystaan Badda Cas, Gacanka Cadmeed, si ay awood ugu yeeshaan Badda Cas, taas oo aan dhici Karin oo marna aan dhici doonin, marka intaas farqiga inoo dhaxeeya.
Maya, Maya, arrintu sidaas maaha, nuxurka iyo MOU-ga ay Itoobiya la saxiixatay Somaliland, wuxuu ku salaysan yahay laba arrin, mid waxay ku andacoonayaan inay rabaan bad ay isticmaalaan, midna waxay doonayaan inay ka samaysaytaan saldhig ciidan oo Itoobiya ku xiran, taasna ma dhici doonto.
MOU-gaan wuxuu xadgud ku yahay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, sidoo kale tani waxay xad gudub ku tahay sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, Axdiga Midowga Afrika, Axdiga IGAD, iyo Axdiga Jaamacadda Carabta.
Sidaas darteed, Itoobiya waxay u dhaqmeen si ka baxsan sharciga caalamiga ah, hadana waxay ku adkaysanayaan in xalku noqdo sida ay rabaan, iyagoo aan u jeedin sharciga caalamiga ah.
Itoobiya ma siin karto ictiraaf dhulka Soomaaliyeed, sababtoo ah aqoonsiga caalamiga ah wuxuu ku yimaadaa hay’ado iyo sharciyo.
Dhibaatada Somaliland, waa dhibaato Soomaaliyeed, hadaan is raacno, hadaan is khilaafno iyo hadaan kala tagno, waxaas oo dhami waa go’aankeena, waa u madax-bannaanahay, waa go’aan Soomaaliyeed, ma go’aamin karto Itoobiya.
Arrintan gooni isutaaga waxay soo socotay 30-kii sano ee u danbeeyay, Midowga Afrika waligiis ma aqoonsan, IGAD waligeed ma aqoonsan, iska daa Qaramada Midoobay, Itoobiya ma laha saldhig sharci ah oo ay ku aqoonsan karto qayb ka mid ah waddankeena.
Talaabada Itoobiya kaliya waxay furi doontaa bog kale oo ah colaadaha gobalka, Itoobiya waxay khatar ku tahay xasiloonida iyo nabadda gobolkan, waxay ku andacoodeen inay ilaalinayeen xasiloonida gobolka, laakiin taasi run maaha, waxay khatar ku yihiin xasiloonida gobolka maanta.
Dhibaatada Itoobiya kaliya ma ahan, MOU-ga been abuurka ah ee sharci darada ah oo Somaliland ay la gashay, laakiin Itoobiya waxay faragelin badan ku haysaa Soomaaliya.
Itoobiya waxay hub badan soo galisay gudaha Soomaaliya, waxayna hubaysay kooxaha, hoggaamiyeyaasha qabaa’ilka iyo maleeshiyada ee ku sugan xuduudka Soomaaliya, taasina waa mid cad oo meel walba waa laga heli karaa, imisa hub ah oo Itoobiya u soo dirtay Soomaaliya, si sharci darro ah.
Dhanka Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada gobolka Gedo, Itoobiya waxay ku soo xad gudubtay deegaannada qaar, iyadoo ku andacoonaysa Masar ayaa imanaysa.
Ma jiro Saldhig sharci ama sharci caalami ah uu u oglaanayo Itoobiya waxay samaynayso, Itoobiya waxay jebisay dhammaan xeerarka u yaalla Soomaaliya iyo kuwa adduunka, waxay dalkan ku joogaan laba hab, mid waa waajibaadka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay iyo aqbalaada dowladda Soomaaliya, midka kale wuxuu ahaa heshiis laba geesood ah oo dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya.
Cadaawadda Soomaaliya iyo Itoobiya waa boqolaal jir, laakiin taasi waa la soo afjaray dhawaanahaan, waxaan bilownay inaan albaabada u furno walaaltinimo cusub iyo deris wanaag cusub oo dhex mara labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
Nasiib darro, Itoobiya waxay ku xad gudubtay kalsoonida heerkaas ee labadeena dal. Hadda waxay dib ugu celiyeen dhibaatadeennii qarniyadii hore, waxayna xoqeen boogihii hore, waxay dhiigeeyeen nabarradii hore ee colaadda labadeena dal, kuwaas oo qarniyo soo jiray.
Waxaan rajaynaynaa in ay maskaxdooda soo laaban doonto oo aan dhibaatadan ku xallin doono qaab nabadeed.
Maya, maya, maya, taasi run maaha, Soomaaliya waa dal madax-bannaan, haddii ay Masar ka qayb qaadanayso ciidamada nabad ilaalinta, taasi waa go’aan u yaala Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.
Haddii Masar ay rabto inay qayb ka noqoto howlgalka, haddii Soomaaliya iyo Masar ay ku heshiiyaan laba geesood in Masaaridu ay yimaadaan Soomaaliya, taasi waa go’aan madax-banaan oo u gaar ah Soomaaliya.
Masaarida iyo Soomaalida, waa laba dowladood oo madax-banaan, iyaga ayaana go’aan ka gaari kara waxa ay samaynayaan.
Laakiin waxa aan rabno oo ujeedka ah waa in Soomaaliya aysan rabin dhibaato. Itoobiya ayaa dhibka abuureysa, ha xalliyaan dhibaatada qaybtooda, maaha in ay ka hadlaan in ay ka taliyaan waxa ay Soomaaliya go’aan ka gaari karto.
Xalku waa in ay fahmaan in aanay samayn karin waxa ay doonayaan, mana yeeli doonaan, Adduunka maanta ma aha duni qarniyo ka hor, Waxaan joognaa adduun casri ah, Soomaaliya waxay haysataa fursado badan oo ay wax kaga qaban karto caqabadaha jira, sidaas oo ay tahay, waxaan aad ugu rajo weynahay geeddi-socodka Turkiga in uu xal keeno.
Haddii aan xal loo keenin arrintaan, dhammaan fursadaha ayaa miiska u saaran Soomaaliya, haddii ay Masar tahay iyo hadday tahay dal kaleba, Soomaaliya waxay raadinaysaa hab kasta oo ay kaga hortagi karto oo ay dib ugu dhigi karto halista Itoobiya ee qaranimadeenna.
Masar waxay taageertaa Soomaaliya, Waxay tababarayaan ciidamadeenna amniga, Waxay na siinayaan oo ay nagu taageerayaan agabka, qalabka iyo qayabaha amniga.
Heshiis difaac ah ayaanu Masar la galnay, laakiin waxaanu leenahay heshiis difaac oo la mid ah oo aanu la galnay Itoobiya 10-kii sannadood ee u dambeeyay, heshiisyada difaaca mar walba waa hab-maamuus difaaca waa qaab-dhismeed, laakiin waxaa jira hab-maamuusyo gaar ah oo ay tahay in la raaco.
Masar iyo Soomaaliya waxay xaq u leeyihiin inay ku heshiiyaan hab-maamuus gaar ah oo ku saabsan xiriirkayaga iyo axdigeena fulinta heshiiskii difaaca ee aan la galnay.
Masar taageero ayaan ka dalbanay, Itoobiya laba sano ka hor sidoo kale taageero ayaan ka dalbanay, waxaan taageero ka codsanay Kenya, Jabuuti, Mareykanka, Sacuudiga, Midowga Yurub, dhinac walbana waa uu taageerayaa Soomaaliya, sababtoo ah Soomaaliya waxay dagaal kula jirtaa kooxaha argagixisada caalamiga ah.
Waddan kasta oo adduunka ka mid ah, waxaanu waydiisanay taageero, sahaydeena Masarna waa ka mid, ma jirto arrin u gaar ah Masar.
Jabuuti waxay na siinaysaa, Kenya ayaa na siinaysaa, Maraykanka sidoo kale, Midowga Yurub ayaa na taageeraya, waxayna Masar ka mid tahay dalal badan oo Soomaaliya ka taageera.