Xasan oo UK kala hadlay arrimo xasaasi ah, fariina u diray R/W Britain

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya, Michael Nithavrianakis, kulankaan ayaa ka dhacay aqalka madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wadahadlay iskaashiga istiraatijiyadeed ee Soomaaliya iyo UK oo dhinacyo kala duwan leh.

Madaxweynaha ayaa intii uu kulanka socday waxa uu sidoo kale hambalyo kal iyo laab ah u diray ra’iisul wasaaraha cusub ee UK Sir Keir Starmer.

Dhinaca kale, Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta la kulmay Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Richard H. Riley.

Kulankaas oo ka dhacay gudaha safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo ku taalla xerada Xalane ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dalka.

Wasiirka oo uga mahad-celiyey taageerada dowladda Mareykanka ay siiyaan Soomaaliya ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo, iyada oo mudnaanta la siinayo tayeynta iyo tababarrada ciidanka, si ay u xaqiijiyaan in dalka laga xoreeyo argagixisada.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku saxiixay buugga tacsida guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Allaha u naxariiste Prof. Jawaari ayaa 28 Juun 2024 ku geeriyooday magaalada Muqdisho, ayada oo aas qaran loogu sameeyay isla caasimada, kaasi oo ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin, ehellada marxuumka iyo shacab fara badan.

Buugga tacsida ayaa maalmo ka furnaa gurigii uu ku geeriyooday guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Jawaari, iyada oo maanta ugu dambeyntii uu Madaxtooyadda ku saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.



Source link