Xasan oo markii labaad ka dhuuntay shacabkiisa iyo sumcad xumo uu ka dhaxlayo

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Maanta shacabkii deganaa xaafada Dab-demiska way ilmeynayaan, madaxweyne Xasan Sheekhna wuxuu ka degay waddanka Eritrea.

Waxyar maskaxdaada dib u celi. Maalintii loo dhaqaaqay fulinta go’aankii xabaala faaga ee qabuuraha Iskuul Buluusiyo, iyaduna madaxweynaha wuxuu ka degay waddanka Norway.

Waxaa jira cilaaqad caan ah oo ka dhaxeeya fulinta go’aamada taabanaya shacabka iyo dhuumashada madaxda. Marwalba oo la fulinaayo go’aan taabanaya shacabka weliba markii awood ciidan la adeegsanayo sidii shalay ama go’aanka sharci darro yahay waa ku adag tahay madaxda inay xafiisyadooda ku sugaan fal-celinta go’aankooda.

Xilliyadan oo kale waxaa xafiisyada madaxda tega dad raadinaya madaxda oo dalbanaya ka noqoshada go’aannada nuucaan ah ama raba inay tallo ka bixiyaan fal-celinta taban ee ka imaan karta arrinta maanta ama mustaqbalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bixiyay amar ah in lasoo faago qabuurihii Iskuul Buluusiyo. Wuxuu fulinta ku aadiyay markii uu ka degay waddanka Norway, isaggoo aaday shir heer wasiir ah oo ay qabatay madasha Oslo Forum.

Xilligaas ayaa la sheegay inuu madaxweynaha amray in howsha laga falxasho inta uusan dalka kusoo laaban. Dhowr maalmood ayuu madaxweynaha ku qaatay waddanka Norway, balse intaasi kuma dhamaanin howshii qabuuro faagu.

Wuxuu aaday haddana dood heer hoose ah oo ka dhaceysay Switzerland, laakiin xiisaddii qabuuraha waa sii taagneyd. Wuxuu go’aansaday inuu sii aado Turkiga, laakiin madaxweyne Erdogan ayaa u sheegay inuu fasax Ciideed ku jiro oo uusan cidna qaabileyn xilligan.

Kadibna wuxuu Xasan Sheekh la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee waddanka Turkiga, laakiin dhowrkii maalmood ee maadashada aheyd kuma dhamaanin howshii qabuuraha Iskuul Buluusiyo, kadibna wuxuu madaxweynaha sii aaday Jabuuti, balse intaas waa ku dhamaan weysay oo illaa maanta dad ayaa weli la baxaya maydadka ehelkooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu intaasi ka maadanaayay fal-celinta shacabkii ka gadoodsan maydadkii ehelkooda ee dib loo soo faagay, ama inuu qaabilo dad arrintaasi ergo ka ah ama xitaa inuu telefishanada kala socdo ilinta shacabka Soomaaliyeed ee isagu sababay.

Markale shalay wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh amray in duullaan lagu qaado xaafadda Dab-demiska oo awood looga saaro dadkii halkaas deganaa, wuxuuna kadib u dhoofay waddanka Eritrea.

Waa markii labaad ee isla xirfadaan uu adeegsanayo madaxweyne Xasan Sheekh mana is arkayaan isaga iyo dadka ergada ka ah fulintaan hubeysan ama kuwa isaga u diir-naxaaya ee raba inay u sheegaan sumcad darrada uu ka dhaxlayo dhaqamada nuucaan ah.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa badi fahamsan inuu madaxweynahoodii ka cararaayo inuu dhageysto dareenkooda, ilintooda, baahidooda iyo gar-dhigashadooda.



Source link