Xasan iyo Xamza midkee diidan reer Puntland? – Xog

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Hoggaanka booliska Soomaaliya ayaa la filayaa inuu isbeddel ku dhaco. Wararka la xiriira in xilkaan la siinayo taliyihii hore ee ciidanka PSF Jeneraal Asad Cusmaan Diyaano ayaa noqday kuwo soo noq-noqday dhowrkii asbuuc ee lasoo dhaafay.

Kursiga hadda waxaa ku fadhiya Jeneraal Sulub oo si gaar ah isku xisaab ku yihiin ra’iisul wasaare Xamza. Gudaha saami-qeybsiga reerka uu Xamza ku metelo 4.5 ayaa dheelinaayay muddooyinkii lasoo dhaafay, iyada oo ra’iisul wasaaraha uu hal dhinac marsaday xilkiisa iyo xilal kale oo kamid yihiin;

  1. Taliyaha booliska
  2. Safiirka Itoobiya
  3. Safiirka Imaaraafka
  4. Ergeyga Xasillinta iyo
  5. Hoggaanka dhowr hay’adood oo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo marwalba lagu eedeeyo inuu qabo colaad gaar ah oo reerka Puntland deg ah ayaa hadda la eegaya haddii uu dib u sixi karo saami-qeybsiga, gaar ahaan haddii uu ra’iisul wasaarihiisa ku qancin karo inuu dadka la dhashay wax u hanbeeyo.

Xasan Sheekh oo laba jeer madaxweyne noqday wuxuu magacaabay afar ra’iisul wasaare. Hal mar ayuu qalinkiisu qabtay qof reer Puntland ah waana Cumar Cabdirashiid, kaas oo isna la sheegay inay safaaradda Mareykanka soo jeedisay magacaabistiisa, maadaama uu Xasan Sheekh xilligaasi aad u rabay inay Mareykanka la shaqeeyaan.

Macnaheedu waa in reer Puntland ay weli u dhadhami la’yihiin madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadda iyo taliyaha booliska

Wararka ah inuu kursiga u dhowyahay dhinaca Asad Diyaano waa kuwo saxan. Waxaase la sheegay inuu ra’iisul wasaare Xamza dagaal badan u galay inuu Sulub sii joogo taliska booliska.

Xubno badan oo siyaasiyiin ah oo reer Puntland oo madaxweyne Xasan Sheekh dhowr jeer kala hadlay mowduucan, ayuu Xasan u sheegay inay xaggiisa diyaar ka tahay, balse wuxuu farta ugu fiiqay dhinaca xafiiska ra’iisul wasaaraha, kadibna waxay xubnahaasi u sheegeen Xasan Sheekh inuu isagu soo xaliyo ra’iisul wasaarihiisa.

Xogihii u dambeeyay ee kursigan waxay sheegayaan inay Xasan Sheekh iyo Xamza ka wada-hadleen in kursiga la siiyo Asad Diyaano, oo hoos loo dhigo colaaddii ay ku mideysnaayeen ee reer Puntland.

Xamza waxaa la sheegay inuu hadda halkii hore kasoo dabcay oo uu ogol yahay in la beddelo Sulub, si loogu diyaar garoobo marxalada labaad ee xukunka Xasan Sheekh oo hadda laba jirsaday.

Haddaba, waa maxay muhiimadda loo qaadanayo Asad Diyaano?

Midda koowaad: Xasan Sheekh waa kasoo qancay in aanay isaga iyo Saciid Deni dib isku aamini karin. Deni hadda diyaar uma ahan sida la sheegay inuu Xasan Sheekh waxba badan la wadaago, wuxuuna bilaabay inuu yiraahdo “nuuca doorashada iyo inay waqtigeeda ku dhacdo unba Xasan Sheekh ka rabna”.

Haddii aadan Deni haysan, waa inaad Asad Diyaano haysatid marka dan ka leedahay Puntland.

Midda labaad: waa macaamilka hay’addaha amniga ee caalamka. Taliyaha hadda xilka jooga Sulub iyo taliyaha la saadaalinayo inuu beddeli doono Asad Diyaano masaafo dheer ayaa u dhaxeysa xagga xiriirka hay’addaha amniga ee caalamka.

Midda saddexaad ee Asad Diyaano loo qaadanayo waa dib u nooleynta shaqada booliska oo hadda u muuqata inay si weyn uga hoos martay heerkii laga rabay, gaar ahaan sida uu booliska u samata-bixin karo umad colaad kasoo kabaneysa.

Wararka waxay intaas ku darayaan in tobanka cisho ee soo aadan la magacaabi karo Asad Diyaano hadddi aanay wax kale isbeddelin oo uusan markale madaxweyne Xasan Sheekh ka boodin reer Puntland.



Source link