XAMZA oo war culus kasoo saaray xiisadda Itoobiya iyo arrinta Masar

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta khudbad ka jeediyay magaalada Muqdisho ayaa mar kale ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Xamza ayaa shaaca ka qaaday inay ka go’an tahay difaaca qaranimada Soomaaliya, isaga oo ku booriyay shacabka inay ilaaliyaan wadajirka iyo madax bannaanida dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in Itoobiya ay doonayso labo jid midkood in ay xoog ku qaadato badda Soomaaliya ama in loo hirgaliyo heshiiska ay la galeen Somaliland.

“Itoobiya waxay rabtaa in sidii ay u saxiixatay MoU-ga loogu daayo ama ay xoog ku qaadato, taas wax aan hayno majirto Itoobiyana halkaas ayay taagan tahay” ayuu yir.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrinta Masar oo xiisadda sii kordhisay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay xaq u leedahay inay iskaashi la samaysato dal kasta oo dan u ah dadka iyo dalka.

“Xaq-baan u leenahay haddii aan Soomaali nahay haddii aan dowlad kale u tegnay oo Carbeed oo aan dhahnay annagana na caawiya oo ay dheheen waa idin caawineynaan, micnaheeda ma’aha inaan ku duuleyno dowlad kale” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaaruhu.

Ugu dambeyn wuxuu si xoogan u dhaliilay siiyaasiin uu sheegay in ay bulshada iska horkeenayaan, isla-markaana ay marin habaabinayaan arrinta badda oo uu tilmaamay in waajibka koowaad ay tahay in la difaaco.



Source link