Xamza oo u baxay safar dibadda xilli uu socdo qorshe xasaasi ah

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa dalka Qatar kaga qeyb-gali doona shirweynaha qurba-joogta Soomaaliyeed, waxa uuna hal kaas ka jeedin doonaa khudbad dhinacya badan taaban doonta.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sido kale kulamo muhiim ah la yeelan doona ra’iisul wasaaraha iyo madax kale oo ka tirsan hoggaanka dalka Qadar.

Safarka Xamza ayaa imanaya xilli uu socdo qorshe ay xildhibaannada qaar ku doonayaan inay ku ridaan xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza. Xiisaddan ayaa ka dhalatay ballan-qaad uu horey u sameeyay Xasan Sheekh oo fuli waayay.

Xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo ka gadoodsan in la magacaabi waayo ra’iisul wasaare ku xigeen labaad oo uu dalka yeesho, kaas oo markii hore la qorsheeyay in la siiyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qorshahan oo la filayay in dhawaan uu dhaqan-galo, islamarkaana lasoo magacaabo ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ayaa dib loo dhigay, kadib abaabul iyo ka hortag ay sameeyeen siyaasiyiinta kasoo jeeda gobollada waqooyi oo hadda ku fadhiya xilka ras’iisul wasaare ku xigeenka dalka, waxayna diidan yihiin in kursigan la magacaabo.

Xubnaha Digil iyo Mirifle ee haatan ku shiray gudaha magaalada Muqdisho ayaa isla gartay tallaabada ay qaadayaan haddii muddo 24 saac gudahood lagu soo magacaabi waayo xilka ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad oo matela Beesha Raxanweyn, taas oo ka dhan ah xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza.

Madaxweynaha ayaa xilligaas reer Koonfur Galbeed ka dalbanayey inay ansixiyaan 4-tii cutub ee ugu horeysay dastuurka oo dhowaan la ansixiyey, isagoo ka ballan qaaday in kursiga ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee dalka uu siinayo Koonfur Galbeed.



Source link