Xamza oo shir ay isugu timid Soomaali badan ka furay Dooxa

Posted on

Dooxa (Wararka Maanta) – Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar ayaa maanta magaaladaas si rasmi ah uga furay Shirweynaha Qurbajoogta Soomaaliyeed.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, ayaa waxa ka soo qaybgalay boqolaal Soomaali ah oo ku kala nool daafaha caalamka, kuwaasi oo shirku uga socon doono magaalada Dooxa 22 – 24 Luulyo 2024.

Ra’iisul wasaaraha oo khudbad muhiim ah ka jeediyay furitaanka shirweynaha oo halkudhiggiisu yahay “Jiheynta awoodda Qurbajoogta Soomaaliyeed si loo gaaro Soomaaliya bilan oo barwaaqo ah” ayaa waxa uu sheegay ahmiyadda shirkan u leeyahay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan baahida loo qabo xilligan in Qurbajoobta Soomaaliyeed ay sii laba jibbaaraan kaalinta firfircoon ee ay ka qaataan dib u dhiska dalka.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay sida loogu baahan yahay in la dhiso kalsooni, lana dhexgalo bulshooyinka martida loo yahay, iyada oo aan laga tageyn ilaalinta dhaqanka iyo caadooyinka suubban ee Soomaaliyeed.

Xamza ayaa ku dheeraaday doorka Qurbajoogta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dib u dhiska, waxbarashada, koboca dhaqaalaha iyo guud ahaan nolosha dalkeena iyo bulshadaba, iyaga oo door weyn ka qaata horumarka dalka,

Waxaa kale oo ugu baaqay boqolaalka qof ee Soomaaliyeed ee ka soo qaybgalay shirka inay ka miradhaliyaan rajooyinka iyo yoolalka dadka Soomaaliyeed ay hiigsanayaan ee ah nabad, horumar iyo barwaaqao.

Shirkan ayaa sanadkan kusoo aaday, ayada oo Soomaaliya ay sameysay horumaro ballaaran, isla markaana ay ku biirtay dalladda bulshada bariga Afrika ee EAC, kaas oo ay ku mideysay dalal ka tirsan gobolka.




Source link