Xamza oo qaaday tallaabo si weyn loo dhalleeceyay xilli uu dalka dagaal ku jiro

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cadi Barre oo maanta wareegto soo saaray ayaa qaaday tallaabo culus, isaga oo magacaabay wasiiro cusub oo uu ku jiro General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) oo loo dhiibay xilka Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Bashiir Goobe ayaa ah ninka ugu darajo sareeyo saraakiisha ciidanka Soomaaliyeed, waxaana ra’iisul wasaaraha lagu dhaleeceeyay in ninkan ayada oo lagu jiro dagaal u magacaabo wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka oo  magaca uun loo bedalay.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Cali Yare Cali oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa su’aal wayn ka keenay arrintan, wuxuuna ka horyimid in Bashiir Goobe loo dhiibo wasaaraddii ay lahaayeen haweenka.

“Soomaalida nool ninkii la sheegay inuu ugu darajo sarreeyo ee gaaray darajadii AUN sarreeyo guud Maxamed Cali Samatar ayaa loo magacaabay wasiirrada gabdhaha oo ahaa wasaaradda kali ah ee haweenka lahaa. Hadde ogoow marka ninka garbihiisa ay darajada sarreeye guud saarantahay wasiirka haweenka loo magacaabayo dalku wuxuu ku jiraa dagaal” ayuu qoraalkiisa ku yiri siyaasiga caanka ah ee Cali Yare Cali.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Oo hadiiba aan la hureeyn in nin loo magacaabo wasaaradda haweenka almiino maxaa loogu magacaabi waayay kuwii sawiradooda la soo bandhigayay maalmihii la soo dhaafay ee Ahmed-qalanj iyo kuwii lamidka ahaa”.

Cali Yare Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa arrintan ku macneeyay mid nasiib darro ah, isla markaana aan ku habooneyn mas’uul darrajadaas ka gaaray ciidanka Soomaliyeed.

“Waan ayaan-darannahay hadaan cimri ku gaarnay “sarreeye guud isaga oo qudbadeeynaya na leh “annaga oo ah wasaaradda haweenka” ayuu mar kale yiri.

Dhinaca kale waxaa magacaabista Bashiir Goobe iyo xilka loo magacaabay ka dhashay falcelin xoogan oo ay ka sameeyay dadka isticmaala baraha bulshada.

Ismaaciil Maxamed “Wasaaradda haweenka waa laga qurxiyey miyaa? Bashiir Goobe wasiirka qoyska miyaa loogu beddalay?”.

Abdirahiim Cismaan “Ninkii dhammaa ee Janannada Soomaalida ugu darajada sarreeyey wasaaradda qoyska maa shaqo uga dhigteen?, Xukuumad meesha nooma taal wallee”.

Dheyman Xaaji “Wasaaradda haweenka mala boobey? HORMARINTA QOSKA AAAA HAYEELINA”.

Yuusuf Ibraahim Cabdi ayaa isaguna yiri “Wasaaradii Haweenka iyo General raggiy waa jabay Sanadkan”.

Shukri Xaashi “Waa maxay Generaalka wasiirka wasaaradda haweenka loo magacaabay?



Source link