Xamza oo dhagax dhigay xarun wax badan u tari doonto reer Muqdisho + Sawirro

Posted on



Muqdisho (Wararka Maanta) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Bare oo maanta ka qayb-galay munaasabad ka dhacday degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ayaa dhagax-dhigay dhismaha xarun wax badan u tari doonto reer Muqdisho.

Xamza ayaa dhagax dhigay laanta bixinta adeegga Baasaboorrada oo laga hirgeliyey degmada Boondheere, taas oo wax weyn ka tari doonta bixinta adeegga ay hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya siiso dadwaynaha Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa munaasabaddan goobjoog ahaa duqa magaalada Muqdisho, qaar kamid ah xubnaha golaha wasiirada xukuumadda Soomaliya iyo shacabka degmada oo soo dhaweeyay dhagax-dhiga xaruntan cusub.

Ra’iisul Wasaaraha oo madasha ka hadlay  ayaa kula dardaarmay howlwadeennada hey’adda in ay si hufan ugu adeeggaan bulshada, isaga oo intaas ku daray in xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in shacabka loo dhaweeyo adeegyada muhiimka ah ee ay u baahan yihiin.

Sidoo kale waxa uu xusay in hirgelinta xaruntani ay qeyb ka tahay dadaallada Xukuumaddu DanQaran ay ku doonayso in ay kor ugu qaaddo tayada iyo helitaanka adeegyada dadweynaha Soomaaliyeed ay uga baahan yihiin dowladooda.

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa horay sidaan oo kale xarumo uga daah-furtay magaalada Muqdisho, si adeegga loogu dhaweeyey shacabka.

Waxaa sidoo kale dhowaan hay’addu xarun cusub oo laga qaadan doono adeegga Baasaboorka ay ka furtay deegaanka Feerfeer ee gobolka Hiiraan oo dhaca dhanka xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo ah tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday.










Source link