Xamza iyo Swan oo yeeshay kulan xasaasi ah iyo arrimaha looga hadlay + Sawirro

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta qaabilay Sii-hayaha Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Labada masuul ayaa kulankoodan uga wada-hadlay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya, xilli ay laba sano jirsatay xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza.

Mudane Xamsa ayaa Qaramada Midoobay uga mahad-celiyey taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay u fidiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dadaalka ay geliyaan dhinaca arrimaha bini’aadanimada.

Sidoo kale waxa uu muujiyey sida ay xukuumadda Dan-Qaran uga go’an tahay in ay si dhow ula shaqeyso QM, iyada oo xoogga la saarayo arrimaha ahmiyadda u leh xukuumadda si loo xaqiijiyo guulaha la hiigsanayo.

Swan oo bilo ku sugan Muqdisho ayaa weli wada kulamo xasaasi ah oo uu la yeelanayo madaxda dowladda dhexe, isaga oo horay ula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, oo ay ka wada-hadleen dhisidda guddi farsamo oo wadaag ah oo kala matalaya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo ujeedkooda shaqo uu yahay unkidda Xafiis Qaramada Midoobey ku yeelato dalka.

Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen sare u qaadida iskaashi wax-ku-ool ah iyo iskuduwid sarraysa si loo gaaro ujeeddooyinka wadaagga ah ee ka shaqaynaya hannaanka kala guurka ee la qorsheeyay.

Waa markii labaad ee uu James Swan qabanayo xilkan, balse markan waa kusime, isaga oo si KMG usii hayn doono, waxaana uu dhameystiri doonaa howsha xafiiska UNSOM oo la qorsheynayo in sanadkan dib u eegis lagu sameeyo.

Isku soo wada duubo, Swan oo horay xilka Ergeyga QM ee Soomaaliya u soo qabtay sanadihii 2019-2022, si fiicana u yaqaana madaxda Soomaalida ayaa waxaa hadda hortaalla sidii uu dhinacyada is-diidan isugu soo jiidi lahaa, si miiska wada-hadalka la iskugu yimaado, waana mid kamid ah shaqooyinka adag ee imaatinkiisa uu markaan la koowsanayo.



Source link