Xamsa oo gaaray furimaha dagaalka lacagna siinaya ciidankii laayey Al-Shabaab

Posted on

Buuloxaaji (Wararka Maanta) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda XFS Xamsa Cabdi Barre oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa safar ku tegay deegaano dhowaan laga xoreeyey Khawaarijta Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeer ugu tegay Ciidamada Qaranka iyo Daraawiishta Jubbaland ee ku sugan deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo dhawaan jab xooggan gaarsiiyey Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaaraha oo ciidanka la hadlay ayaa bogaadiyey sida nafhurnimada leh ee Ciidamada Soomaaliyeed ay argagixisada uga xoreynayaan dalka.

Xamsa Cabdi Barre ayaa ku dhawaaqay in dowladdu ay siinayso abaalmarin lacageed oo la guddoonsiinayo ciidamada Birjeex ee ku jabiyey Khawaarijtii ku dhuumaaleysa jirtay deegaannada Jubaland.

“Waad cibaadeysateen maxaa yeelay waxaad layseen kuwii uu suubaneheenu na faray in la laayo oo la burburiyo, waxaad ka farxiseen muslimiinta, waxaad rubadda goyseen Khawaarijtii ay ummadda Soomaaliyeed necbaayeen,” ayuu yiri.

Ra’iisul wasaaraha oo sii hadlayey ayaa yiri, “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in khawaarijta dalka laga xorreeyo oo la tirtiro, in badan oo kamid ah dalka waa laga xaaqay oo ay kamid tahay Buulo-Xaaji”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in guushan ay ka marqaati kacayso tayada iyo awoodda Ciidamada Soomaaliyeed iyo dadaalka ay dowladdu ku bixinayso dib u dhiskooda.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay muhiimadda ay leedahay garab istaagga iyo wadashaqeynta shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan ciidamada, dowladduna ay deegaannada la xorreeyey geyn doonto adeegyada asaasiga ahaa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka duulaysa in gurmad iyo gargaar deg-deg ah la gaarsiiyo bulshada ku nool deegaannada laga xoreeyo Khawaarijta, ayaa waxa ay hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA gaarsiisay raashin 900 oo qoys oo ku nool deegaanka Buullo-Xaaji, taas oo qayb ka ah qorshaha safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Jubbaland.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha, ayaa waxaa kamid ah Wasiirro ka tirsan Xukuumadda heer federaal iyo heer dowlad goboleed, Xildhibaanno, taliyeyaasha ciidanka X.D.S, Boliiska iyo haween matalayey ololaha Hooyo u hiili Qaranka oo gaarsiiyey ciidanka sahay dhan 5,340 oo isugu jira buskut, timir iyo kalluun.

Hoos ka eeg sawirrada

 



Source link