Xamsa oo caawa wajihi doona su’aalo dadweyne oo xasaasi ah – Maxaa socda?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa caawa hortegaya shacabka, si su’aalo looga weydiiyo wixii u qabsoomay labadii sano ee xafiiska uu joogay.

Waxaa socota qaban qaabadii ugu dambeysay kulan dadweyne oo dadku ay su’aalo ku weydii doonaan ra’iisul wasaaraha, waxaana jira dad ku sugan gobollada dalka oo toos su’aalo u soo weydii doona inta kulankaasi uu socdo.

Kulankaas ayaa ka dhacaya magaalada Muqdisho, waxaana toos looga daawa doonaa warbaahinta, sida ay xubnaha qaban-qaabinaya u sheegeen Wararka Maanta.

Labo sano ayaa u buuxsantay ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre, waxaana caawa u bilaabanaya toddobaadka bandhigga waxqabadka xukuumadiisa.

Sidoo kale maalinta Sabtiga ah ayaa lagu wadaa inuu Muqdisho ka dhaco kulan weyn oo golaha wasiirrada ay ku soo bandhigayaan waxqabadkoodii labada sano.

Kulankaas ayey wasaarad kasta ku soo bandhigi doontaa wixii u qabsoomay, wuxuuna ahaa doonaa mid toos looga daawado warbaahinta, sida ay ogaatay Wararka Maanta.

Xukuumadda Xamsa Cabdi Barre ayaa isku aragta inay wax badan u qabsoomeen labadii sano oo ay jirtay, waxaana laga war sugayaa waxa ay soo bandhigi doonaan toddobaadkaan oo barnaamijyo xariir ah ay caawa u bilaabanayaan.

Xoreynta dalka iyo gaarsiinta nidaamka dowladnimada deegaanadii la xoreeyey ayaa ugu horeeya waxyaabaha ay ku faanto xukuumaddaan, taas oo la wada rumeysan yahay in guulo muhiim ah ay ka gaartay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.



Source link