Xabsi u gaar ah dumarka oo laga hirgaliyay MUQDISHO

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka hirgaliyay xabsi u gaar ah dumarka lasoo xiro, kaas oo laga furay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Xabsigan ayaa waxaa sameeyay taliyaha saldhigga degmada Hodan oo qayb u gaar ah gabdhaha kusoo kordhiyay saldhigga uu maamulo ee degmadaasi.

Guddoomiyaha maamulka degmada Hodan, Cali Faxle oo ka hadlay furitaanka xabsigan ayaa soo dhaweeyay in dumarka loo helo meel gooni u ah oo lagu xiro, inta loo sii gudbinayo xabsiyada kale ee dalka ama maxkamadaha awoodda u leh.

“Dumarku waa hooyooyinkeen waa gabdhaheennii waa dadka ugu wanaagsan ee bulshada hooyo iyo aabe u ah, sidaas darteed dumarkaas meel u gaar ah iyaga oo ay istaahilaan in lagu xiro in loo sameeyo waa aragnay, waana ku amaanaa taliyaha saldhigga” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waa laba qol oo waa weyn oo barandadooda leh oo musqushooda u gooni u tahay, si ay gabdhaha u helaan meel u gooni ah oo iyaga kaliya u go’an Dumarka uma quuri karno in ay bannaan joogaan ama roob ku da’o.

Cali Faxle ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dambiyada ugu badan ee la dhaca Hodan ay yihiin dagaallada gacan ka hadalka ee dhex mara dumarka, balse ay hadda u heleen meel lagu xiro haddii lasoo qab qabto haweenkaasi.

Waxaa kale oo uga mahadceliyay booliska sida uu uga shaqeynayo arrimaha bulshada iyo in la xakameeyo dadka gaysta dambiyada kala duwan.

“Hadda degmada Hodan dembiyada ugu badan ee ka dhaca waa dagaallada safmareenka ah ee diriraan haweenka iyo caruurta waxa dhan ay diriraan,, habeenkaas marka lasoo qabto oo 10 dumar ah la’isu keeno meel la geey ayaa la rabaa” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo ayada oo muddooyinkii u dambeeyay ciidamada booliska Soomaaliyeed ay kordheen howlgallada ka socda caasimada oo lagu soo xiray dadkii ugu badnaa oo ay ku jiraan gabdho caan ka ah baraha bulshada ee Internet-ka.



Source link