Xaalad adag oo maanta ka taagan duleedka MUQDISHO

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Wararka naga soo gaaraya duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo ay isugu soo baxeen dadweyne careysan.

Dadka isugu yimid Ceelasha Biyaha ayaa ka cabanaya burburin lagu sameeyay guryahooda, kadib amar kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed oo dhawaan la fuliyay, ayada oo cagta la mariyay xaafad ay daganaayeen qoysaska haatan cabanaya.

Shacabka dibad-baxay ayaa xirtay waddada laamiga ah ee marta Ceelasha, waxayna gubeen taayaro, kadibna waxaa faraha ka baxday xaaladda, ayada oo ay goobta tageen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

Rasaas ay fureen ciidamada ayaa lasoo wariyay inay waxyeelo kasoo gaartay qaar kamid ah shacabka, sida ay muujiyaan muuqaalo iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada.

Mid kamid ah odayaasha deegaanka oo goobta dibad-baxa kula hadlay Somali Cable Tv ayaa ka warbixiyay cabashooda, wuxuuna eedeyn u jeediyay madaxweyne Laftagareen.

“Wax la yiraahdo laba dacwado oo gal inta furtay oo la kala qardaay ma jiraan waxaa kale oo intaas dheer dhulkan dukumintigiisa labada goof ee ugu horreeyo waxay wataan 82-adii iyo 89-kii, laba goof oo kalena waxay wataan dhaxal koob” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay Dhulkaas waxaa leh dadka la yaqaano ee reer Iidow iyo nimanka la yiraahdo reer Cabdulle Macow”.

Waxaa kale oo uu xusay in dhulkooda la baneystay, kadibna si qaraabanimo ah loo siiyay dad kale.

Laftagareen wuxuu maamulka Koonfur Galbeed geliyay wax aan sharciga iyo nidaamka midna ku banaaneyn si walaaltinimo ah oo ku hooyonimo ah ayaa wuxuu ku xalaaleystay dhul aad u fara badan oo dadkii lahaa ay dagan yihiin” ayuu mar kale yiri.

Dhulkan oo la burburiyay todobaadkii hore ayaa la sheegay in lagu wareejiyay gabar uu dhalay madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Siyaad Barre, waxaana wareejinta ku sugnaa gudddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo sheegay in dhulkan ay maxkamad soo xukuntay, sidaasna ay ku wareejiyeen.



Source link