Wiil Sayid-cali oo maalmo kahor hadallo kicin ah kaga dhawaaqay Muqdisho oo la xiray !

Posted on




Ciidamada booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa maanta xabsiga dhigay nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Liiban Khaliif Abtidoon, kaa oo maalmo kahor magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay hadallo kicin dadweyne ah.

Wiilkan oo kamid ah qaraabada ninkii gubay xaaskiisa ee Sayidcali Macalin Daa’uud oo maalmo kahor ka hadlay bannaan-bax lagu dalbanayay in Sayidcali aan la dilin ayaa sheegay in dowladda ridayaan haddii wiilkooda la dilo.

War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ninkan la xiray uu ku eedeysan yahay fal liddi ku ah amniga guud iyo kicin bulsho, waxa ayna dadka shacabka ah uga digeen booliiska hadalada kicinta iyo rabshado abuurka ah.

Xarriga ninkan dhallinyarada ah ayaa imaanaya xilli shalay magaalada Muqdisho sidoo kale lagu xir xiray dhallinyaro u badan kuwa Tiktok isticmaala, kuwaa oo iska horkeen bulsho iyo qabyaalad abuur ka waday caasimadda Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link