Wiil 12 jir ah iyo dad kale oo aano qabiil loogu dilay degaan ka tirsan Galgaduud

Posted on




Allah ha u naxariisto Ayaanle Cabdisalaan Jaamac 12 sano jir kasoo jeeda Goldogob oo ku noolaa deegaan ku dhow Caabudwaaq ayaa waxaa dilay dabley hubeysan oo kasoo jeeda Cadaado.

Ayaanle dilkiisa waxaa loo adeegsaday Faas, oo wey bireeyeen kadibna gacmaha ayaa laga jaray.

Arintaan ayaa daba socota dilal aano qabiil oo maalmihii u dambeeyay ka soconaya Mudug iyo Galgalgaduud.

Isla xalay wiil iyo walaashiis ayaa iyana Aano qabiil loo dilay isla Galguduud sida ay wararku nagu soo gaarayaan

Maalmo ka hor ayey aheyd markii nin birimagaydo ah oo jihadu ka qaldantay lagu dilay agagaarka degmada Galdogob, iyadoo dilkiisa ka hor muuqaal laga duubay lagu baahiyey baraha bulshada kaasoo dhalliyey caro iyo fal celin xooggan.




Source link