Weerar seef loo adeegsaday oo ka dhacay London iyo ninkii ka dambeeyay oo la qabtay

Posted on




Nin seef ku hubeysnaa ayaa maanta weerar khasaaro geestay ka fuliyay meel ku dhow saldhiga laga raaco tareenada dhulka hoostooda mara ee deegaanka Hainault ee kuyaalla waqooyi bari ee magaaladda London.

War kasoo baxay booliiska magaalada London ayaa lagu sheegay in ninka seefta watay uu dhaawacyo kala duwan gaarsiiyay shan qof oo labo kamid ah ahaayeen askar, halka saddexda qof kalana ay shacab ahaayeen.

Ciidamada booliiska ayaana ku guuleestay in ay si deg deg ah gacanta ugu dhigaan ninkii weerarka geestay oo 36-sanno jir ahaa, booliiska ayaana weerarkan ku tilmaamay in uusan aheyn mid argagaxiso.

Duqa magaalada London Sadiq Khan ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkan ka dhacay duleedka magaalada London, waxa uuna sheegay in uu aad uga xun yahay weerarka dhacay oo sababay dhaawacyada dad rayid ah iyo saraakiil booliis.

Sadiq Khan ayaana ku ammaanay booliiska sida deg dega ah ay u qabteen ninka weerarka geestay, waxa uuna caddeeeyay in xaalada hadda si caadi ah kusoo laabatay, lana sugay amniga goobtii uu weerarka ka dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link