Waxaa jira xubno Xasan ‘dhul boobka’ shuraako kula ah ee 3 u diyaar garooba

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo saaray 3 qodob oo lagu sixi karo qaladaadka iyo dhul boobka ay ku kaceyso dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh, isagoo si adag uga hadlay arrinta dhulka Dabdemiska oo maanta xoog looga saaray shacabkii deganaa.

Xildhibaan CC Shakuur ayaa qoraalkaan ku sheegay in amarka madaxweynaha lagu geystay wixii maanta ka dhacay Seybiyaano iyo talaabadii todobaadyo ka hor lagu soo fagay qabuurihii Iskuul Buluusiya.

“Danyarta shacabka ah ee maanta guryahoodii laga barakiciyey, iyo maytadii toddobaadyo ka hor xabaalaha laga soo faagay amar Madaxweyne ayey ku dhaceen,” ayuu yiri Xildhibaan CC Shakuur.

Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaas ku sii daray, “Amarkiisa ayaa dhul dowladdu leedahay ganacsato looga iibiyey, waxaana lagu laalushay siyaasiyiin iyo xildhibaano.”

Wuxuu sheegay in uusan jirin xeer loo cuskanayo ama sharci loo raacayo talaabooyinka uu Xasan Sheekh qaadayo ee ‘bixinta dhulka, barakicinta shacabka iyo faagidda qubuuraha.’

“Ma jiro garsoor madax-banaan oo amar maxkamad ku joojin kara go’aanka Madaxweynaha, mana jiro Baarlamaan la xisaabtami kara xukuumadda,” ayuu yiri CC Shakuur.

Sidoo kale wuxuu farta ku fiiqay inay jiraan xubno shuraako la ah Madaxweynaha oo dhulka shacabka laga saaro laga iibiyo, la siiyo ama laga kireey, kuwaas oo sida uu sheegay isugu jira xubno (shirko la ah, taageersan, ama qaraabo la ah).

Ugu dambeyntii Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo jeediyey in la helo 3 qodob, si loo buriyo tacadiyada uu sameynayo Xasan Sheekh, kuwaas oo kala ah:

1- Awood shacab iyo abaabul dadwayne oo lagu hor istaago

2- In la magacaabo, lana canbaareeyo ganacsatada, siyaasiyiinta iyo xildhibaanada shuraakada kula ah dulmiga iyo boobka hantida.

3- In la isku diyaariyo markii muddo xileedkiisa dhammaado, burinta go’aannadii sharci-darrada ahaa ee hantida qaranka lagu bixiyey.

 



Source link