Muqdisho (Wararka Maanta) – Dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Muqdisho ayaa kor u sheegay in dhaqaale la’aanta iyo busaarada ka jirta caasimadda ay gaartay halkii ugu xumeyd dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay.
Waxay dowladda federaalka ugu baaqeen inay xal u raadiso xaaladda dhaqaale xumada, laakiin sida uu madaxweyne Xasan Sheekh uga jawaabay busaaradda dhalinyarada haysata ayaa caro kale sii abuurtay kadib markii uu shalay ka hadlay Masaajidka Madaxtooyadda.
Dad isugu jira shacab, aqoonyahano iyo siyaasiyiin ayaa madaxweynaha ka dalbaday inuu cudur-daar ka bixiyo ereyadii uu u adeegsaday dhalinyarada ka cabaneysa shiidka iyo shaqo la’aanta.
Weli madaxtooyada kama jawaabin cabashada ka dhalatay sida uu madaxweynaha u naqdiyay cabashada shacabkiisa. Balse waxaa warbixintan kusoo koobeyna lix arrimood oo keentay cabashada dhaqaale ee ka jirta magaalada Muqdisho.
1. Lacagihii wareegi jiray ee argagixisada oo istaagay
Waxaa la qiyaasaya in lacag ku dhow 300 milyan oo dollar oo ay dad isqarinaya ugu shaqeyn jireen argagixisada inay istaagtay kadib markii dowladda daba-gal xoogleh ku bilowday.
Ma ahan in lacagahan gacanta lagu dhigay ee kooxda ayaa la baqday kadibna dhaq-dhaqaaqi ayey joojiyeen. Lacagahan waxay ku jireen ganacsiyada dhulalka, dhismayaasha casriga ah, dhoofka iyo soo dejinta alaabaha, ganacsiyada raashinka iyo meelo kale.
Haddii ay istaagto 300 milyan oo dollar oo wareegi jirtay waa qasab in la dareemo.
2. Qamaarka 1xbet
Si xoog leh oo aan weligeed la arag ayay dhalinyarada Soomaaliyeed u galeen qamaarka. Iyada oo diiniyan iyo dhaqan ahaanba ay aheyd in arrintaan laga hortago, lagana gaabiyay, haddana wixii yaraa ee dhalinyarada sida maalinlaha u heli jirtay waxaa inbadan oo kamid ah looga cunaa qamaarka, gaar ahaan midka ay dhalinyarada Muqdisho aadka u isticmaalan ee loo yaqaano 1xbet.
3. Lacagaha galay halka gacan
Intii ay jirtay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ee ka yimaada dhinaca dowladda waxay galeen hal gacan, oo wixii ay qaatana dibadda ku maal-gashada. Kooxdan lacagaha ku waalan ee dowladda ka tirsan ama gacan saarka la’leh ma haysan wax fursad ah xilligii dowladdii Farmaajo.
Lacagaha halka gacan galay ee dibadda loo rarayo waa culeys kale oo magaalada ku yimid.
4. Dowladdii oo shaqo abuur keeni weysay
Nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa weli ku guuleysan inuu curiyo hal mashruuc oo weyn oo shaqo abuur ah, xilli ay sanad walba kumanaan dhalinyaro ah kasoo qalin-jabinayaan jaamacadaha dalka.
5. Ganacsiyada u xirmay canshuuraha xad-dhaafka
Qaar kamid ah ganacsiyada caasimadda ku yaalay ayaa u xirmay saddex jeer oo canshuurta guud la kordhiyay iyo dhowr jeer oo dadka Muqdisho lacago badan oo magacyo kala duwanle la dulsaaray.
Marwalba oo canshuurta la kordhiyo, maamulka gobolka Banaadir iyo shirkadaha qandaraasyada la siiyayna alifaan lacago kale oo joogto ah waa qasab inay ganacsiyada qaar socon waayan, taas oo ka dhigan in dad shaqo haystay ay noqonayaan baagamuudo.
6. Sicir-bararka
Marwalba oo canshuurta la kordhiyo ama lacagaha magacyada badan lagu qaado, ganacsatadu waxay iyaguna lacagtaas dul-saaran shacabka danyarta ah, taas oo iyaduna kamid ah waxyaabaha sii adkeeyay nolosha dadka reer Muqdisho.
Midda toddobaad ee aan ku biriin karno qodobadan waa mashaariicda xayiran.
Lacagaha Muqdisho wareegi jiray waxaa kamid ah lacagaha ka yimaada mashaariicda ay bixiyaan UN-ka, World Bank iyo hay’daha kala ee caalamiga ah ee fadhiga ku leh magaalada Muqdisho.
Balse hadda inta badan mashaariicda waa taagan yihiin, waxaana loo sababeeya tayo xumada xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza.
Toddobadan arrimood oo isbiirsaday ayaa Xamar ku riday shiid iyo shaqo la’aan. Dowladdana waxaa laga rabaa inay culeyska jira qiimeyso kadibna xal raadiso.