Wasiirka difaaca iyo taliyaha Xoogga oo booqday deegaanandii lagu jabiyay Al-Shabaab

Posted on




Muqdisho (Wararka Maanta) – Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ay wehlinayaan taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeyya Gaas Ibraahin Sheekh Muxudiin iyo Taliyaha Boliiska Soomaaliyeed Sarreeya Guuto Sulub Axmad Firin ayaa maanta booqday deegaanadii lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab ee gobolka Jubbada Hoose.

Mas’uuliyiintan oo qayb ka ah wafdiga ra’iisul wasaare Xamza ee maanta gaaray Kismaayo ayaa galabta tegay deegaanada Buulo-Xaaji iyo Harboole oo dhawaan lagu jabiyay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo isku dayay inay weeraraan halkaasi.

Wasiirka iyo taliyeyaasha ayaa kormeeray xerooyinka ciidamada iyo difaaca hore, iyaga oo dhiirogeliyay ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland ee jilibka u dhigay Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay ugu hambalyeeyeen dhammaan taliyeyaasha, saraakiisha iyo ciidanka sida geesinimada leh ee ay isaga difaaceen weeraradii ugu yimid Al-Shabaab.

Waxaa kale oo ay u ballan qaadeen inay heli doonaan garab istaag iyo in laga jawaabo baahiyahooda gaarka ah ee ay qabaan ciidamada labada heer.

Ra’iisul wasaare Xamza oo isna arrintan u tegay Jubbaland ayaa lagu wadaa inuu u tego ciidamadaas, si uu dhiirogeliyo, una booqdo deegaannada la xoreeyay.

Jubbaland ayaa waxaa hadda ka socda howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa maamulkaas oo deegaano dhowr ah looga xoreeyay Al-Shabaab.










Source link