Wasiiradii uu magacaabay Xamse intooda badan oo xilalka loo dhaariyey (Sawirro)

Posted on




Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo ay maanta yeesheen Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka oo ajandihiisu ahaa dhaarinta wasiiradda dhowaan uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Waxaa dhaariyay garsoore Saalax Sheekh Ibrahim oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee dalka. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo la dardaarmay wasiiradda cusub ayaa xusay in xilkooda u gutaan si mas’uuliyad ku jirto ugana adeegaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhaarta maanta waxaa ka maqnaa wasiirka cusub ee arrimaha dibeda Axmed macalin Fiqi oo safar ugu maqan dibeda.

 




Source link