Wasiirada Hirshabelle oo ansixiyey degmo cusub oo lagu kordhiyey Hiiraan (Sawirro)

Posted on

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shir-guddoomiyey Kulanka aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirada Dowladda Hirshabeelle ay caawa ku yeesheen Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay guulaha laga gaaray barnaamijka xasilinta iyo Arrimaha Amniga.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa  golaha uga waramay amniga guud ee deegaanada Hirshabeelle iyo qorshaha u diyaar garowga wajiga labaad ee Howlgalada lagu ciribtirayo Kooxda alshabaab oo dhowaan bilaaban doona.

Madaxweynaha ayaa shirkaan warbixin uga dhageystay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Cadaalada, Biyaha, Caafimaadka, Xanaanada Xoolaha, Dhalinyarada, Isbedelka Cimilada, Maaliyada iyo Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa golaha horkeenay Hindise Degmo loogu aqoonsanayo Geri-jir oo soo buuxisay shuruudihii degmo-nimo iyadoo golaha Xukuumada ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen in Gerijir ay ka mid noqoto Degmooyinka Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Golaha Xukuumada dadaalka dheer ee ay ku bixiyeen dardargelinta mashaariic horumarineed ee ka fulay deegaanada iyo degmooyinka Hirshabeelle kuwa kalana ay wali ka socdaan mashaariicyo horumarineed.

Ugu dambeen Madaxweynaha ayaa bogaadiyay Maamulka iyo Bulshada reer Matabaan ee muujiyay midnimo iyo wadajir kana faaideystay mashaariicda waxtarka u leh bulshada deegaanka.

Source link