Wasiir Fiqi oo weerar culus ku qaaday mucaaradka iyo madax goboleedyada dalka

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa qoraal kulul ugu jawaabay siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamul goboleedyada ka-hor yimid go’aanadii ka soo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran. 

Madaxda shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ku heshiiyay qorshaha geedi socodka bilaabista doorasho qaran oo qof iyo cod ah, oo lagu sii billaabayo dowlad goboleedyada bilaha June iyo September ee sanadkan 2025-ka. 

Hase yeeshee, qoraallo is xig-xigay ayey Jubaland, Puntland, Shariif Sheekh Axmed, Farmaajo, Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur uga hor-yimaadeen go’aankan kuna sheegeen isku day muddo kororsi. 

Haddaba hoos aqriso qoraalka Fiqi ee uu ku weeraray mucaaradka. 

Hal mar ayaa qayladhaan afka la goostey, waraaqo isku eg iyo walaahow ay saldhig u tahay dimuqraadiyad phobia iyo cabsi in shacabku ay yeeshaan go’aanka doorashada madaxda iyo dadka matalaya.

Ninkii odoga ahaa wuxuu yiri “haddii sanadkaan faataxo aad aqrisay uu ilaahay wax kugu siiyey, sana walba faataxo lee maad taagnaanee qur’aanka kale u gudub” Gen. Mahad.

Hadda sanad walba doorasho dadban iyo waraaqo daad ah oo isku mid ah lama ag-taagnaan karee waa la isku fahmaye wax kale hala keeno, oo shacabka fursad haloo ogolaado ay codkooda ku doortaan cidda ay rabaan!

Dawladdu waxay u xilsaaran tahay dalka in Laga qabto doorasho qof iyo cod ah, oo ah midda dastuurka dalku uu qabo.



Source link