Wasiir Axmed Fiqi oo xilka la wareegay codsina u diray dadka Soomaaliyeed(Sawirro)

Posted on




Wasiirka cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa xilka si rasmi ah ula wareegay, kaddib munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta wasaaradda arrimaha dibadda.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda Cali Balcad ayaana maanta ku wareejiyay xilka wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Fiqi, waxa uuna halkaasi ka jeediyay kalmad uu wasiirka kusoo dhaweenayo.

Axmed Macalin Fiqi wasiirka cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo munaasabada xil-wareejinta hadal ka jeediyay ayaa ugu horreyn u mahad-celiyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha oo xilka cusub u igmaday.

Wasiirka ayaana sheegay in uu ku rejo weyn yahay in halkeeda kasii wado dedaaladii socday, uuna filayo in wax badan qaban doonaan isaga iyo howlwadeennada kale ee wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Ugu dambeyn wasiir Axmed Fiqi ayaa ka codsaday dadka Soomaaliyeed meel kasto ay joogaanba in ay ku garabsiiyaan gudashada hawshaas qaran iyo  difaaca danaha dalkeena iyo wadajirkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link