Wararkii ugu dambeeyay qarax ka dhacay Ceeldheer + Khasaaraha

Posted on

Ceeldheer (Wararka Maanta) -Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta qarax xoogan uu ka dhacay duleedka degmada Ceeldheer oo ay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ah.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lasoo wariyay inuu si gaar ah uga dhacay deegaanka Gawaan oo hoostaga degmadaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaran ku dhintay ugu yaraan hal qof qof, ayada oo uu ku dhaawacmeen mid kale, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.

Qofka dhintay ayaa ahaa wiil dhalinyaro ahaa oo caan ka ahaan degmada Ceeldheer, waxaana lagu magacaabi jiray Aways Cali Guure (Butugeey), waxaana wararka intaasu ku daray qaraxa uu haleelay gaari ay la socdeen dadkaasi shacabka ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamada deegaanka oo soo qaaday maydka wiilka dhalinyarada ah iyo qofka dhaawac ah oo haatan lagu dabiibayo degmada Ceeldheer.

Macawiisleyda ayaa sidoo kale howlgallo culus ka bilaabay aagga degmadaasi, si ay uga hortagaan weeraro kale oo ay soo abaabulaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee horay looga qabsaday Ceeldheer iyo deegaano kale oo dhacay gobolka Galgaduud.

Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana ciidamada ay wadaan dadaallo lau xaqiijinayo amniga, maadaama marar qaar waddooyinka ay ka dhacaan qaraxyo miino.

Al-Shabaab ayaa inta badan soo abaabusho weerarada noocaan oo kale ah, waxayna ku beegsataa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed & kuwa deegaanka ee Macawiisleyda.



Source link