Muqdisho (Wararka Maanta) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan wadda u diyaar garow ku aadan howlgalka cusub ee beddalaya ATMIS, kaas oo uu qorshuhu yahay inuu bilowda sanadka soo socda ee 2024-ka, si loo helo ciidamo bedala kuwa hadda jooga.
Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay wadday dadaallo dheeraad ah, waxaana madaxda sare ee dalka oo ugu horreeyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhawaan booqashooyin kusoo kala bixiyay waddamada ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya, isaga oo kala hadlay kaalintooda ku aadan howlgalka cusub ee ka bilaabanaya dalkeenna.
Sidoo kale waxaa haatan safar kale oo la xiriira qorshaha dowladda ee xiga ATMIS u baxay wasiirka gaashaandhigga oo uu wehliyo taliyaha ciidamada Xoogg dalka oo gaaray dalka Jabuuti, waxayna kala hadleen qorshaha dowladda ee la xiriira howlgalka cusub oo ay qayb ka noqon doonaan ciidamada Jabuuti.
Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in Jabuuti ay kala hadleen arrimaha howlgalka iyo sidoo kale xaaladda guud ee Geeska Afrika.
“Waxaa maanta si guul ah noogu soo gabagaboobey booqasho rasmi ah oo aan ku joogney dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Waxay ahayd fursad aan kaga wada hadalnay amniga gobolka iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee bilaabanaya 2025,” ayuu yiri.
Intaas kadib wasiirka iyo taliyaha ayaa usii gudbay dalka Uganda oo ay madaxdiisa kala hadli doonaan isbeddalka dhacaya iyo doorkooda ku aadan howlgalka cusub ee Soomaaliya.
Wararka ayaa intaasi kusii daray in sidoo kale ay usii gudbi doonaan Kenya iyo Burundi oo qayb ka ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, si ay ugala hadlaan qorshaha socda.
Dhammaan kulamadan ayaa daba socda ka bixitaanka ATMIS ee Soomaaliya iyo hirgelinta howlgalka cusub ee loo yaqaan AUSSOM, oo qorshuhu yahay in lagu beddelo hawlgalka ATMIS ee ka bixi doona dalka.
Si kastaba, howlgalka cusub ayaa waxaa kamid noqon doonin Itoobiya, sababo la xiriira xiisadda haatan kala dhexeysa Soomaaliya ee ka dhalatay heshiiska badda.