Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Kenya

Posted on

Gaarisa (Wararka Maanta) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo maanta ciidamada milatariga dowladda Kenya iyo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ku dhex maray qaybo kamid ah gobolka Waqooyi Bari, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo howlgallo ka waday xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay isku dhaceen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaas, waxaana kadib xigay dagaal toos ah.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay  sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Inta ka xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay ugu yaraan illaa 5 xubnood oo isugu jiro labada dhinac, waxaana sii dheer khasaare dhaawac ah oo intaas ka badan.

Labada dhinac ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalka, waxaana mid kastaa uu baahiyay inuu jab gaarsiiyay garabka kale, balse ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijin kara sheegashadooda.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa aagga lagu dagaalamay ee xadka waddamada Soomaaliya iyo Kenya.

Kenya oo ciidamo ay ka joogaan gudaha Soomaaliya ayaa weeraro kala kulanta kooxda Al-Shabaab oo badana beegsata deegaanada dhaca xadka labada waddan.

Muddooyinkii u dambeeyay weerarada Al-Shabaab ee Waqooyi Bari ayaa sii kordhayay, waxaana sidoo kale gobolka ciidamo badan oo milatari ah kusoo daabushay Kenya, si ay u xaqiijiyaan amniga guud ee waddankaasi.



Source link