Wararkii ugu dambeeyay dad SHACAB ah oo lagu dilay Gaalkacyo

Posted on

Gaalkacyo (Wararka Maanta) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil dad shacab ah xalay loogu gaystay bartamaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaas oo ay ka dambeeyeen maleeshiyaad hubeysan.

Dilka oo ka dhacay waddada Suufi Xalwo ayaa waxaa loo gaystay laa qof oo shacab ah, isla markaana ahaa dhalinyaro ka mid ah dadka deegaanka.

Ilo wareedyo xilkas ah oo ku sugan Gaalkacyo ayaa innoo sheegay in dhalinyaradaasi loogu tegay xarun ganacsi oo ay ku sugnaayeen, kadibna rasaas lagu furay, waxaana baxsaday raggii ka dambeeyay dhacdadaasi.

Falkan ayaa waxaa lala xiriirinayaa dilal salka ku haya aanooyin qabiil oo ka taagan magaaladaasi oo ay ka wada arrimayaan maamullada Galmudug iyo Puntland.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howlgallo ka sameeyay halkaasi, inkastoo aysan ku gaarin wax natiijo ah.

Saraakiisha amniga waxa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgalkooda, illaa inta ay kasoo qabanayaan dambiilayaasha oo goobta isaga baxsaday.

Gaalkacyo ayaa waxaa marar badan ka dhacay dilal la xiriira aanooyin qabiil, waxaana magaaladaas muddo dheer ka taagan colaad beeleed, taas oo sanado badan qaadatay.

Si kastaba, dhacdadan cusub ayaa kusoo aadeyso, ayada oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay gobollada dhexe dib uga qarxee dagaal beeleedyo sababay khasaarooyin kala duwan.



Source link