Wararkii u dambeeyey xasuuq argagax leh oo Israel ka geysatay Rafax (Sawirro)

Posted on

Ugu yaraan 45 qof ayaa ku dhintay  weerar ay Israa’iil  ku qaadday xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla  Rafah xalay , sida ay sheegeen wasaaradda caafimaadka ee Gaza iyo dhakhaatiirta Falastiiniyiinta.

Muuqaalada lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dab xooggan oo goobta ka kacay, iyadoo shaqaalaha caafimaadka iyo dabdamiska ay la tacaalayaan sidii ay u maareyn lahaayeen khasaaraha.

Muuqaalada ayaa sidoo kale  ayaa muujinayay waxyaabo argagax leh sida meydad gubtay oo laga soo saaray burburka, nin haya meydka ilmo aan madax lahayn, dab ka kacaya teendhooyin iyo dhibaatooyin kale.

Goobta la beegsaday ayaa waxaa ku jiray konteenar weyn oo hoy u ahaa tobanaan qoys, oo ay ku hareereysan yihiin boqolaal teendho ah.

Milateriga Israa’iil ayaa ku andacooday in ay duqeeyeen goob ay ku sugnaayeen ururka Xamaas, halkaasoo ay ku dileen laba sarkaal oo sarsare  oo ka tirsan kooxda xagjirka ah.

Weerarku wuxuu ku dhacay aag nabdoon oo ka fog goobaha dagaalka,  Maamulka Gaza iyo Ururka Bisha Cas ee Falastiin (PRCS) ayaa sheegay in aagga la beegsaday ay Israa’iil u aqoonsatay “aag nabdoon” oo ku taal waqooyi-galbeed ee Rafah.

“Ciidanka Israa’iil ee gumaysiga ah waxay aagaggaas u qoondeeyeen goobo ammaan ah, iyagoo ugu baaqaya muwaadiniinta iyo barakacayaasha inay aadaan goobahan nabdoon,” ayay tiri xafiiska warbaahinta xukuumadda Gaza. Markii dadka barakacay ay magangelyo raadsadeen, waxay la kulmeen weerar, ayuu yiri xafiisku.

Weerarka ka dhacay Rafah ayaa imaanaya ka dib markii Xamaas ay gantaallo ku garaacday Tel Aviv markii ugu horreysay bilo gudahood, sida ay sheegeen militariga Israa’iil, iyadoo seeriga digniinta laga maqlay Tel aviv iyo qeybo ka mid ah bartamaha Israa’iil maalintii Axadda.

Ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in sideed gantaal laga soo tuuray deegaanka Rafah, “tiro gantaallo ahna la qabtay. Xamaas ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa u badan haween iyo carruur sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza iyadoo intaas ku dartay in isbitaal ku yaalla Rafah uusan awood u lahayn inuu qaado tirada dhaawacyada.

Bisha cas ee Falastiin waxay sheegtay in shaqaalaheeda ambalaasta ay daabulayeen dad aad u badan ka dib weerarka. Guddiga Gurmadka degdega ah ee Falastiiniyiinta ee Rafah ayaa sheegay in tobanaan qof lagu dilay weerarka teendhooyinka markii uu dabku ka kacay. Fiidiyowga ay ayaa muujinaya dhismayaal teendho u eg oo gubanaya.

Xamaas waxay ku tilmaantay weerarka mid “xasuuq” ah oo ay sheegtay in ay si gaar ah ugala xisaabtamayaan maamulka Maraykanka iyo madaxweyne Joe Biden. Waxa ay sheegtay in Israa’iil aysan qaadi lahayn weerarada “haddii aysan jirin taageero Mareykan ah, inkastoo ay buux dhaafiyeen muwaadiniin barakacayaal ah”. Xamaas ayaa ku baaqday faragelin degdeg ah oo caalami ah.

Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn, oo sidoo kale loo yaqaan Médecins Sans Frontières (MSF), ayaa muujiyay cabsida ay ka duqeymaha aan loo meel dayin “Waxay tusinaysaa mar kale in aysan jirin meel nabdoon.” ayaa lagu yiri war ay soo saartay MSF

Madaxtooyada maamulka Falastiin ayaa ku boorisay beesha caalamka inay si deg deg ah u soo farageliyaan waxa uu ugu yeeray dambiyada ka dhanka ah shacabka Falastiin.

Duqeynta Rafah ayaa ku soo beegantay maalmo kadib markii maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda  ay amartay Israa’iil inay joojiso duullaanka ay ku hayso Rafah. Maxkamaddu waxay u aragtaa xaaladda bini’aadantinimo ee magaalada in lagu sifeeyay “musiibo,” ayuu yiri madaxweynaha ICJ, isagoo intaas ku daray in saraakiisha Qaramada Midoobay ay muujiyeen in xaaladdu ay ka sii dari doonto “Haddii howlgalka Israa’iil ee Rafah uu sii socdo.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Source link