Wararkii u dambeeyey baadi goobka dayuurada uu la socday Madaxweyne Raisi

Posted on

Dawladda Turkiga ayaa noqotay dalkii u horreyay gurmad u dira Iran, kaddib markii ay Tehran ka codsatay Turkiga inay u soo diraan diyaaradaha qumaatiga u kaca ee awoodda baaritaannada waqtiga habeenka ah inay sameeyaan, si ay uga qaybqaataan dadaallada lagu baadi goobayo diyaaradda uu la socday Madaxweynaha Iran, sida ay ku dhawaaqday wakaaladda maaraynta masiibooyinka Turkiga ee AFAD.

Turkiga waxaa kalo uu goobtaa u diray illaa 32 shaqaale ah oo xirfad u leh howlgallada baadi-goobka ee dhulka buuralayda ah , sidoo kale gaadiid leh nidaam isgaarsiin casri iyo koox kale oo gurmad dheeraad ah ayay sheegtay AFAD inay u diri doonaan goobta uu ka socda howlgalka baadi-goobka.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Ruushka , Maria Zakharova ayaa goor dhow  ku dhawaaqday inuu Ruushka diyaar u yahay inuu ka qaybqaato howlgalka baadi-goobka diyaaradda uu la socday madaxweynaha Iran iyo saraakiil sare oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha dibadda , iyadoo intaa ku dartay inay xataa Moscow hadda diyaar u yahay inay gacan ka siiso Tehran baaritaanka la xiriira dhacdada.

Dhinaca kale , Dawladda Sacuudiga ayaa sheegtay inay sidoo kale diyaar u yihiin sidii ay gacan uga siin lahaayeen dawladda Iran baadi-goobka ay uga jirto diyaaradda uu la socday Madaxweyne Raisi

Midowga Yurub, wuxuu ku dhawaaqay iyagoo ka jawaabaya codsiga dawladda Iran ee baadi-goobka shilka diyaaradeed ee lagu la’yahay Madaxweynaha Iran, Wasiirka Arrimaha dibadda iyo saraakiisha sare inay ka howlgelin doonaan goobta ay diyaaradda ku dhacday nidaamkooda dayax-gacmeedka ee awoodda u leh inuu sawirro ka qaado goobaha xaaladaha deg deg ah, sida u sheegay wakiilka Midowga Yurub ee Maareeynta xaaladaha deg deg ah, Janez Lenarcic.

Diyaaradda uu la socday Madaxweynaha Iran ee baadi-goobkeeda lagu jiro, waxaa la sheegay inay ahayd nooca qumaatiga u kaca ee Bell UH-1N Twin Huey, taasoo ah diyaarad duug ah oo Mareykanka uu howlgeliyay sannadkii 1970, sida warbaahinta Ruushka ee TR, ay ka soo xigatay sarkaal ka tirsan dawladda Iran.

Source link