War ka cusub beelihii ku dagaalamay Mudug ee Sacad iyo Leelkase

Posted on

Dhuusamareeb (Wararka Maanta) – Qodobo dhameystir u ah nabadeynta colaaddiii galbeedka Mudug ee beelaha Sacad iyo Leelkase ayaa maanta lagu gaaray deegaanka Maygaagta ee gobolkaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamullada Puntland iyo Galmudug, oo ay wehliyaan odayaasha dhaqanka labada beelood ayaa ku dhawaaqay qodobada dhamaystirka fulinta go’aannadii xabbad-joojinta ee colaadda labada beelood, iyagoo go’aamiyay in hubin lagu sameeyo dhamaystirka fulinta qodobadii hore usoo baxay ee qaadista maleeshiyaadka beelihii dagaallamay.

Sidoo kale waxay fareen ciidamada qaabilsan amniga inay xaqiijiyaan in aan isku dhac dambe imaan inta laga hirgelinayo heshiis nabadeed oo rasmi ah, iyada oo sharci-darro loo aqoonsaday in dhismayaal iyo deegaameyn laga sameeyo dhulkii lagu dagaallamay.

“Waxaa loogu baaqay dhammaan odayaasha labada beelood in ay kaalintooda ka qaataan fulinta go’aannadii xabbad-joojinta labada dhinac,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shirka.

Sidoo kale waxay go’aamiyeen in 5-ta bisha August ee 2024 uu furmo shirka rasmiga ah ee nabadaynta labada beelood, kaasi oo lagu qabanayo magaalada Gaalkacyo, si loo dhammaystiro gogoshii wada-hadalka nabadda labada dhinac ee dirirtu dhex-martay.

Dhinacyada ayaa waxa kale oo ay go’aamiyeen in wada-hadallada gogoshu ay ku koobnaadan odayaasha labada dhinac, iyadoo maamullada Galmudug iyo Puntland ay korjoogteynayaan.

“Maamullada waxay marwalba la xallinayaan odayaasha wixii ay isku fahmi waayaan, sidoo kalena ay farsamao ahaan hagayaan maamulka shirka, iyada oo gogosha ku koobnaaneyso odayaasha labada dhinac,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay shirka.



Source link