War cusub oo kasoo kordhay wada-hadalka DF iyo Al-Shabaab

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saartay wada-hadalka la sheegay in lala galayo kooxda Al-Shabaab, waxaana arrintan si faah-faahsan uga hadlay madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta daah-furay kalfadhiga 5-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, kadibna khudbad u jeediyay xildhibaanada labada Gole.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa beeniyay in dowladda federaalka ay haatan waddo qorshe guud oo wada-hadal lagula galayo kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in aanay jirin wax ajende ah oo ay dowladda Soomaaliyeed ka leedahay arrintaasi.

Madaxweynaha ayaa gebi ahaanba waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ku aadan wada-hadalka labada dhinac oo maalmihii dambe ay tabineysay warbaahinta.

“Ma jiro qorshe aan wadno oo wada-hadal kula galeyno argagixisada oo aqoonsaneynba dowladda Soomaaliyeed, arrintaas waxaan rabaa inaan caddeeyo ma’aha mid jirto” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu ku hadlay dagaalka ay dowladdiisa kula jirto kooxaha Khawaarijta, isaga oo sheegay in guullo waa wayn laga gaaray, isla markaana sanadkan imtixitaanka shahaadiga ah lagu galay degmooyin dhawaan uun laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, wuxuuna ballan qaaday inay sii wadi doonaan howlgallada xoreynta ee ka socda dalka.

“Waxaan kusii socon doonaa la dagaallanka Al-Shabaab, illaa dalkeenna oo xor ka noqono” ayuu sii raaciyay madaxweynuhu.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday dalka, isaga oo sheegay inay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab, balse ay ka hortegi doonaan, si loo nabadeeyo deegaanada ay haatan kasoo cusboonaadeen dagaallada sokeeye.

Beryahan dagaallo sokeeyo oo ahli ah ayaa kusoo noqnoqday deegaanada qaarkood waa qayb kamid ah qorshaha cadowga argagixisada oo rabta iska horkeenidda shacabkeenna, si aan uga jeesano ka xoreynta dalka Khawaarijta, taasina ma dhaceyso dalkeena waa nabadeyneynaa Khawaarijta dagaalkeedana waan waa wadeynaa” ayuu mar kale yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay wadaan guluf ka dhan ah Al-Shabaab oo haatan ka socda inta badan gobollada dalka.



Source link