War cusub oo kasoo kordhay lamaanihii arooska ahaa ee ku dhintay weerarkii LIIDO

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Saameynta ka dhalatay weerarkii lagu hoobtay ee xeebta Liido ayaa sii xoogeysatay, kaas oo lagu laayay dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Dadka ku dhintay weerarkan waxaa kamid ahaa Saciid Macallin iyo xaaskiisa oo aroos ah, kuwaas oo xalay kamid ahaa dadkii ku caweynayay xeebta Liido ee Muqdisho.

Marxumka walaalkiis oo la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahin ka bixiyay dilka lamaanahaasi, wuxuua sheegay in gabadha ay ku geeriyootay qaraxa, wiilkan isaga oo ordayay laga toogtay dhabarka, isla markaana lagu dhuftay illaa 7 xabadood.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qoyskan ahaa mid cusub, isla markaana wiilka iyo gabadha is guursadeed muddo hadda laga joogo wax ka yar saddex bilood.

“Walaakiik Saciid Macallin geeridii natixinta lahayd ee xalay ku timid isaga iyo xaaskiisa. 90 beri isma qabin oo arooskiisa mardhow ayaan ka qayb-galnay xalay gabarta waxay ku dhimatay qaraxa, wiilkana isagoo usii socdo xeebta ayaa dagaal laga toogtay” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Aniga ayaa dharka ka furay todobo xabadood ayaa gadaal uga tiilay badda ayuu geli rabyay way toogteen”

Guud ahaan tirada dhimashada ayaa kor u dhaafeysa illaa 30 qof, dhaawacana 100 kale, sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo saraakiisha caafimaadka.

Xaaladda goobta ayaa hadda deggan, waxaana laamaha amniga ay ku guuleysteen inay si nabad ah u qarxiyeen baabuur qaraxyo waay oo way wateen xubnihii weerarka qaaday.



Source link