War cusub oo kasoo kordhay arrinta Xildhibaan Maxamed Abiib

Posted on

Hargeysa (Wararka Maanta) – Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa maanta war cusub kasoo saaray qorshaha socda ee maamuus ka xayuubinta Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf Jaamac oo ka tirsan golahaasi.

Guddoomiye Faratoon oo warqad soo saaray ayaa kulan aan caadi ahayn isugu yeeray xubnaha golaha wakiilada Somaliland si xasaanadda looga xayuubiyo xildhibaan Abiib, kadibna loo guda galo eed culus oo uu usoo jeediyay xeer ilaaliyada guud ee maamulkaasi.

Faratoon ayaa sheegay in kulankaas aan caadiga ahayn uu dhacayo maalinta Khamiista ee soo socota, wuxuuna ka codsaday xildhibaannada inay kasoo qayb-galaan.

“Waxaan go’aansaday in aan isugu yeedho kalfadhi aan caadi ahayn maalinta Khamiista ah oo ay bisha ku beegan tahay 25/07/2024, saacaduuna ay tahay 8:30 subaxnimo. Ajendaha kalfadhigan aan caadiga ahayni waxa kaliya oo uu khuseeyo, isla markaana laga go’aan gaadhayo soo jeedinta xeer-ilaaliyaha guud ee ah maamuus ka xayuubinta Maxamed Abiib Yuusuf Jaamac” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday xafiiska guddoomiye Faratoon.

Sidoo kale waxaa la sii raaciyay “Haddaba waxaan mudanayaasha ku wargelinayaa inay dhowraan, isla markaana kasoo qaybgalaan kalfadhigan aan caadiga ahayn” .

Ujeedka ugu wayn ee maamuus ka xayuubinta Maxamed Abiib ayaa la xiriirta qorshe ay wadato madaxtooyadu oo doonayso inay xirto si loo maxkamadeeyo.

Xildhibaanka oo si weyn uga soo horjeedo madaxweyne Muuse Biixi ayaa haatan ku sugan gobolka Awdal, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay maadaama uu yahay deegaanka laga soo doortay.

Sidoo kale wuxuu Boorama ka bilaabay dhaq-dhaqaaqy siyaasadeed oo ka dhan ah damaca madaxtooyada iyo kulamo la tashi ah oo uu la qaadanayo bulshada uu metalo.

Ninkan aya xeer-ilaalinti waxa ay u heysataa eedaymo ay ku jirto in mas’uuliyiinta ka tirsan Saafaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti uu la kulmay iyo in arrimaha ciidamada Somaliland uu ka hadlay.

Si kastaba, Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan golaha wakiillada ayaa tagay dalka Jabuuti dabayaaqadii bishii May, wuxuuna safarkaas xaqiijiyey maalmo ka hor mar uu warbaahinta la hadlay, isagoo sheegay in Jabuuti uu Passapor ka soo qaatay.



Source link