War cusub oo ka farxiyay dadka Sacuudiga kasoo kordhay xaalada Boqor Salman

Posted on

Xaalada caafimaad ee Boqorka dalka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdicasiis ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay si gaar ah loola tacaalayay, waxaana shaashadaha caalamka laga waayay Boqorka oo xanuun la il darnaa.

Todobaadyo kahor ayaana la baahiyay in xaalada caafimaad ee Boqor Salmaan ay liidato lana dhigay isbitaal, waxaana xanuunka hayay Boqorka Sacuudiga oo hadda jira 88-sanno ka walaacsanaa dadka Sacuudiga.

Warbaahinta Sacuudiga ayaana baahisay in Boqor Salmaan uu guddoomiyay kulanka golaha wasiiradda, waxa ayna noqoneysaa markii ugu horreysay oo muddo kaddib la arko isaga oo howlo Qaran qabanaya .

Muuqaal lasoo duubaay bayaana laga arkayay Boqor Salmaan oo guddoominaya shirka golaha Wasiiradda, waxaa sidoo kale shirka ku sugnaa Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan iyo wasiirro kale uu ku jiro Amiir Cabdilcasiis Bin Salmaan.

Boqorka ayaa sanadihii lasoo dhaafay la il-darnaa caabuq uga dhacay sambabada, waxaana shaqada Boqortooyada iyo maamulkeeda lasii wareegayay oo shaqada hayay wiilkiisa Maxamed Bin Salmaan oo ah dhaxal-sugaha Boqorka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link