Wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka socda Ankara oo maraya meel xasaasi ah

Posted on

Ankara (Wararka Maanta) – Wadahadalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka socda magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa meel adag maraya, iyadoo la isku mari la’yahay qodobada qaar.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in la keeno hannaan looga laabanayo heshiis beenaadkii badda lagu bixinayey ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ay kala saxiixdeen.

Itoobiya ay dooneysa in la caddeeyo qaab ay uga laaban karaan MOU-gaas iyo waxa loogu bedelayo, si la mid ah tii dowladdii hore markii ay Muqdisho heshiis is faham ku gaareen Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed iyo Madaxneynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo.

Farmaajo iyo Abiy ayaa isku fahmay in afar Dekedood ay maalgashato Itoobiya, kadib booqashadii Abiy Axmed ku yimid Muqdisho sanadkii 2018-kii, balse dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa burburisay heshiiskii Farmaajo.

Diblomaasiyiinta Turkiga ayaa u kala gudbinaya farriimaha, ma jirto wada hadalo fool ka fool ah oo ilaa hadda labada dhinac dhex maray.

Wadaxaajoodka ayaa saacado badan qaatay, walina wax is afgarad ah lama gaarin, dowladda Turkiga waxay ku dadaalaysaa in is-faham guud ay kala dhex dhigto labada dhinac oo heshiis lagu yahay.

Wasiirka arrimaha dibadda Hakan Fidan ayaa hoggaaminaya diblomaasiyiinta Turkida ah ee dhex dhexaadinaya ergada ka kala socota Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa diiday in toos la isku hor fariisto ilaa inta Itoobiya ay ka laabaneyso heshiis beenaadkii ay la gashay maamulka Somaliland.

 



Source link