Waa kuwee 4 wasiir ee hoos loo dhigay awoodooda? + Video

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) –  Xildhibaan Saadaq Cabdullahi Cabdi oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday xukuumadda DanQaran ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Xildhibaanka ayaa si gaar ah eedeyn culus ugu jeediyay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, wuxuuna sheegay inay awood tir ku sameeyeen wasaaradaha muhiimka ah ee dowladda.

Saadaq ayaa shaaca ka qaaday in la cuuryaamiyay 4 wasaaradood oo kala ah amniga, gaashaandhigga, arrimaha dibadda iyo maaliyadda. Waxa uu tilmaamay in wasiirada la hoos geeyay shaqsiyaad kale iyo shirkado, kuwaas oo qabanayo shaqooyinka muhiimka ah ee wasaaradahaasi, sida uu hadalka u dhigay.

“Wasaaradaha qaranka, gaar ahaan kuwooda muhiimka ah sida gaashaandhigga iyo amniga, maaliyadda iyo arrimaha dibadda oo ay ahayd in qaranka loogu adeego waxaa laga qaaday awoodihii ay lahaayeen waxaana laga dhex abuuray awoodo kale oo qarsoon sida hay’ado iyo wakiilo idman” ayuu yiri xildhibaan Saadaq Cabdullahi Cabdi.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Waxaa kale oo oo jira shirkado qandaraaslayaal ah oo shaqadii wasaaradahaas la wareegay, waxayna galeen heshiisyo amni oo qarsoodi ah oo golayaasha dowladda aan la keenin”

Xildhibaanka oo hadalkan ka jeediyay baarlamaanka dhexdiisa ayaa sheegay in wax shaqo ah aysan heyn wasiirada qaar, isla markaana aysan aheyn wax maamul ah, balse kaliya ay ku magcaaban yihiin wasaaradaha ay joogaan.

“Madaxda wasaaradaha waxa ay maamulaan qolfoof maran maamul ahaan iyo maaliyad ahaanba” ayuu mar kale yiri xildhibaanku.

Horay ayaa eeddaan oo kale waxaa u jeediyay xubnaha mucaaradka oo sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu isku soo kooban awooddii dalka oo dhan.



Source link