Waa kuma Maxamed Al-Dayf ee Israel ugu jira liiska ugu sarreeya ee ay raadinayaan?

Posted on

Gaza (Wararka Maanta) — Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in duqeyn lagu garaacay deegaanka Al-Mawasi ee Khan Yuunis “in lagu bar-tilmaameedsaday Mohammed Dayf,” oo ah taliyaha guud ee guutada Izz ad-Din al-Qassam, garabka milatari ee Xamaas.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay tobaneeyo qof, kuwa kalena waa lagu dhaawacay xero ay ku jiraan dad barakacayaal ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta.

Ciidamada Israa’iil ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in ay bartilmaansadeen Mohammed al-Dayf iyo Rafex Salama, kuwaasi oo ka mid ahaa sida ay sheegeen kuwii lahaa qorshayaashii weerarkii 7-dii October.

Warka ka soo baxay ciidamada Israa’iil ayaa intaa ku daray in duqeynta ay ka fuliyeen goob xiran oo ay maamulaan Xamaas, halkaas oo ay sheegeen inay ku sugnaayeen Xamaas oo kaliya balse aysan jirin shacab ah.

“Ma jirto wax xaqiijin ah oo sheegaya in hoggaamiyaha ka tirsan Xamaas Mohammed Dayf lagu dilay duqeynta ka dhacday koonfurta Qasa,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo shir jaraa’id qabtay.

Xamaas ayaa dhankeeda sheegtay in “eedaynta Israa’iil inay tahay isku day ay ku qarinayso baaxadda xasuuqii foosha xumaa.” Kooxda ayaa ku tilmaantay duqeynta Al-Mawaasi mid aad u fool xun.

Waa kuma Maxamed Al-Dayf

Maxamed Dayib Almasri, waa Falastiini ku dhashay Qasa sanadkii 1965-tii intii agaas ay gacanta ku hayeen Masar.

Qoyskiisa ayaa ahaa qaxooti sanadkii 1948-dii ka soo barakacay tuulada Al-Qubeyba una guuray Qasa, halkaasoo uu ku soo koray xerada qaxootiga Khan Yuunis, wuxuuna ku sugnaa halkaas noloshiisa oo dhan.

Wuxuu ka soo jeeedaa qoys sabool ah, waxaana uu kala shaqayn jiray aabihiis samaynta alababta guryaha. Waxa kale oo uu sameeyay beer lagu dhaqo digaagga oo uu kaga shaqayn jiray darawalnimo. Mararka qaar Dayf, waxaa uu joojin jiray waxbarashada si uu qoyskiisa ugu caawiyo baahiyaha asaasiga ah.

Muxamed Al-Dayf, waxa lagu naanaysi jiray “Abu Khaled”, naanaystani waxay ka raacday markii uu door jilid ah ka qaatay mid ka mid ahaa riwaayadihii wakhtigii uu jaamacada ku jiray, taas oo ahayd ruwaayadii “The Clown”, taas oo uu ku jilay doorka “Abuu Khaled”.

Sheekada riwaayada ayaa xambaarsanayd nin taariikh lahaa oo noolaa xilligii Umawiyiinta iyo Cabbaasiyiinta.

Waxaa kale oo mararka qaar loogu yeeri jiray sarbeeb ahaan ‘Marti’ oo loola jeeday in qaab nololeedkiisa oo dhan ahaa mid guur guura si uu uga badbaado duqaymaa Israa’iil.

Inkasta oo qoyskiisa ay faqri yihiin, Maxamed Al-Day, f aabihiis ayaa ku adkaystay in carruurtiisu ay waxbarasho helaan.

Wuxuu shahaadada heerka kowaad ka qaatay jaamacada Islaamig aah ee Qasa, halkaas oo uu ku bartay cilmiga fiisigiska, kimisteriga iyo biology-ga. Wuxuu lahaa xiiso sarreeya oo dhank fanka ah intii uu jaamacada dhiganyey.

Ku biiritaankiisii ururka Xamaas

Al-Dayf, intii uu ku guda jiray waxbarashadiisa Jaamacadeed waxa uu ku milmay “fikir Islaami ah”, sidaa awgeed waxa uu ku biiray Ikhwaanul Muslimiinka oo uu ka mid ahaa hawl-wadeenadii ugu caansanaa ee wakhtigaas ka hawl-geli jiray Isbahaysiga Islaamka.

Markii u ururka Xamaas asaasmay sanadkii 1987-dii, Al Dayf, kama laba labayn inuu ku biiro safkeeda hore.

Maamulka Israa’iil ayaa xiray sannadkii 1989-kii, waxaana uu 16 bilood ku qaatay xabsiga isagoo lagu eedeeyay inuu ka tirsanaan jiray ciidamada Xamaas.

Intii uu xabsiga ku jiray xilligaas, Al-Dayf, waxa uu Zakaria Al-Shorbagy iyo Salah Shehadeh kula heshiiyey in la sameeyo dhaqdhaqaaq ka gooni ah Xamaas oo ujeeddadiisu ahayd “qabsashada askarta gumaysiga ,” waxayna ahayd guutada Izz ad-Din al-Qassam.

Markii xabsiga laga sii daayey Dayf, waxaa bilowday dhismaha guutooyinka Izzaadiin Al_Qassam oo u dhismay qaab ciidan ah.

Ka dib, Al-Dayf, waxa uu u guuray Daanta Galbeed isaga iyo tiro ka mid ah madaxda guutooyinka Qassam ee Marinka Qasa, waxaanu ku sugnaa in muddo ah, halkaas oo uu ku kormeeray samaynta laan ka mid ah guutooyinka Qassam ee Daanta Galbeed, waxaanu noqday Hogaamiyeheedii ka dib dilkii Imad Caql 1993kii.

Sannadkii 2000, bilawgiisii maamulka Falastiin ayaa xidhay Mohammed Daif, laakiin wuu baxsaday ama waa la sii daayay wax yar ka dib, sida ay sheegtay Wakaaladda AFP.

Sannadkii 2002-dii, Al-Dayf, waxa uu noqday taliyaha guud ee guutada Izz ad-Din al-Qassam, ka dib markii taliyihii isaga ka horreeyay ee Salah Shehadeh lagu dilay weerar ay Israa’iil fulisay.

Sannadkii 2015-kii, Al-Dayf, ayaa lagu daray liiska Maraykanka ee “argagixisada caalamiga ah”, waxaana bishii December ee la soo dhaafay sidoo kale lagu daray liiska argagixisada Midowga Yurub.

Ninkan ayaa leh taariikh ciidan oo aad u dheer, taasoo soo bilaabatay 1980-meeyadii. Muddo ku dhow 30 sano, ninkan ayaa ka qaybqaatay dhawr hawlgal oo militari oo ka dhan ahaa Israa’iil, oo uu ka bilaabay afduubka askarta iyo weerarrada gantaalaha, waxaana ugu danbeeyey weerarkii 7-dii Oktoobar.

Tan iyo intii uu la waregay guutada ciidamada ee ka tirsan garabka militari ee Xamasa y, Maxamed Dayf, waxaa lagu tiriyaa inuu naqshadeyey hubka ugu caansan ee Xamaas sida gantaalka Qassam, iyo shabakada diyaarisa gododka dhulka hoostiisa ee Qasa.

Godadkan ayaa ah halka la rumeysan yahay in ninkan uu ku qaato inta badan waqtigiisa, isaga oo ka dhuumanaya militariga Israa’iil, isla markaana ka hagaya hawlgalada Xamaas.

Wakaalada wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ilo ka tirsan Xamaas, ayaa sheegtay in ninkan uu leeyahay sifooyin ay ka mid yihiin go’aan qaadasho , taxadar, xeelado gaara.

Al-Dayf oo tobannaan sano ay Israa’iil ku raad joogtay ayaa waxa u suurta-gashay in uu ka badbaado todobo isku day dil oo isaga lagu bartilmaameesaday kuwaas oo la fuliyay sannadihii 2001,2002,2003,2006,2014 iyo 2021,markii Israa’iil ay isku dayday in ay disho laba jeer.

Balse kii ugu darnaa ee la isku dayey in lagu dilo ayaa dhacay sanadkii 2022-kii kaas oo Dayf, u si mucjiso lahayd uga badbaaday. Weerarkaas waxaa la sheegay inuu ku waayey mid ka mida indhihisa iyadoo Israa’iilna ay sheegtay inu sidoo kale lug ku waayey.

Isha: BBC



Source link