Waa kuma madaxweynaha ugu qabyaaladda badan?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Shacabka Soomaaliyeed waxaa jirta laba arrin oo ay si weyn ugu nacaan madaxda, waana qabyaaladda iyo boobka hantida umadda ka dhaxeysa.

Waxaa warbixintan ku eegayna madaxda iyo dhinaca qabyaaladda. Waxaana isku bar-bardhigaynaa warbixintan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed.

Madaxda Soomaalida qaar markii ay banaanka joogaan waxay muujinayaan oo wax ku raadinayaan Soomaalinnimo, laakiin markii xukunka helaan ayey la yimaadan dabeecad qabyaaladeed, naceybka reero gaar ah iyo u sad-burinta reerkooda hoose.

Dhawaan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed aya ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu qabyaalad uga shaqeynayo si aan fiicneyn, isaga oo tilmaamay in la ogyahay halka uu kusoo dhamaado qabiilka.

Saddexdan madaxweyne ee Xasan Sheekh, Farmaajo iyo Sheekh Shariif mid walba waxaan ku saleynay qeybta uu warbixintan ku leeyahay waxa lagu arkay xukunkiisa ama u yaalla suuqa siyaasadda oo dadweynuhuna marar badan kor u sheegeen.

Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu xukunka qabtay laba jeer. Madaxweynaha labadaasi jeerba waxaa lagu eedeeyay labo sifo oo qabyaalad la xiriirta.

Mid waa inuu diidan yahay ama muujinaayo naceyb la xiriira reero gaar ah.

Midna waa sad-bursi u sameynayo qeybta hoose ee uu ka yahay reerka uu awood-qeybsi ahaan ku metelo hanaanka 4.5.

Beesha degta Puntland ayaa marar badan la sheegay inuu madaxweyne Xasan Sheekh reer ahaan u diidan yahay, halka uu labadiisi xili xukuna xagga wax qeybinta uu si weyn sad-bursi ugu sameeyay reerkiisa hoose, gaar ahaan xagga dhaqaalaha, xilalka, ciidameynta iyo hub u sameynta.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Farmaajo ayaa intii lagu jiray waxaa lagu arkay hal sifo oo qabyaalad ah, waana diidmada ama naceybka beel gaar ah.

Waxaa si weyn loogu eedeeyay madaxweynihii hore madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu go’aadsaday in siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba u wiiqo reerka Muqdisho degan.

Isaga oo tijaabiyay inuu siyasaad ahaan u bur-buriyo hoggaankooda wax-galka ah, inta badan xilalkooda heer federaal iyo heer maamul goboleedna uu ku taxay kuwooddii ugu tayada liitay, taas oo lagu tilmaamay dagaal qaawan oo reerkaas ka dhan ahaa.

Farmaajo isagu wax sad-bursi ah uma sameynin reerkiisa hoose. Markii diiwaankiisa lagu laabto markii ra’iisul wasaaraha ahaa iyo markii madaxweynaha noqday Farmaajo ma muujin sad-bursi uu reerkiisa u sameyno, balse waxaa lagu haystaa diidamada beel gaar ah.

Shariif Sheekh Axmed

Shariif waxa uu haystaa diiwaanka madaxweynaha ugu qabyaaladda yar saddexdii madaxweyne ee ugu dambeysay Soomaaliya.

Shariifku ma lahan sumadda ah inuu reer gaar ah neceb yahay, waligiina laguma eedeyn. Xilligii xukunkiisana kuma kicin inuu reerkiisa xoolaha umadda u dhaco ama u sameeyo sad-bursi xileed.

Marka lasoo koobo nuxurka warbixinta iyo waxa suuqa siyaasadda u yaalla mid walba oo kamid ah saddexdii madaxweyne ee ugu dambeysay Soomaaliya.

Xasan Sheekh waxaa lagu haystaa diidmada reero gaar ah iyo u sad-burinta reerkiisa.

Farmaajo waxaa lagu haystaa diidmada reero gaar ah, balse isagu kuma suntana weligiis inuu reerkiisa wax u badiyay.

Halka aan Shariif Sheekh Axmed loo haysan wax qabyaalad la xiriira haddii ay tahay naceybka beel gaar ah ama wax u boobida reerkiisa.



Source link