Villa Somalia oo xog ka bixisay ciidamo cusub oo Turkiga usoo dirayo Soomaaliya

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – La-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Xasan Sheekh oo faah-faahin ka bixiyay ciidamada Turkiga usoo dirayo Soomaaliya ayaa sheegay inay daba socoto heshiiskii difaaca ee dhawaan gaareen labada dal.

Xuseen ayaa sheegay in ciidamada Turkiga ee Muqdisho imaanaya ay door weyn ka qaadanayaan dhismaha ciidanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa badda, sida ay horey ugu heshiiyeen dhinacyada.

“Ciidamada imaanaya waa ciidamadii badda noo dhisi lahaa, oo heshiiskii dhaqaale ee la kala saxiixday fulinteeda qeyb ayey ka tahay,” ayuu Xuseen Macalin ku yiri wareysi uu siiyay VOA.

Waxa uu intaas kusii daray “Qaabka ay u hawl-gali doonaan, sida ay u hawl-geli doonaan iyo goobta ay ka hawl-geli doonaan waa wax aan weli la guda-gelin, laakiin in heshiiskii la bilaabo oo la hirgeliyo si howshii dhaqaale iyo milatari isku mar bilowdaan.”

Ciidankan oo la sheegay inay milatariga ka imaan lahaayeen ayuu madaxweynaha Turkiga u jeediyay in loo daabulo si ay u caawiyaan maraakiibta sahanka shidaalka ka sameynaysa Soomaaliya.

Inkasta oo bilowgii sanadkaan heshiis wayn ee difaac iyo dhaqaale ay wada saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga, ayaa haddana dhawaan waxay dowladda federaalka Soomaaliya heshiis baaris shidaal ah la saxiixatay dowladda Turkiga.

Heshiiskan ayaa dhigaya in Turkiga uu shidaal ka baari doono saddex aag oo ku yaalla gudaha biyaha Soomaaliya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadol.

Heshiiskan ayaa wuxuu xaquuq qaas ah u siinayaa Turkiga inay hydrocarbon oo ah shidaal iyo gaaska dabiiciga ah ka baarto kadib kasoo saarto saddex aag oo kiiba yahay 5-kun kilomitir oo isku wareeg ah, sida uu sheegay wasiirka Tamarta iyo Macadanta ee dalka Turkiga Bayraktar.

Labada ka mid ah aagagga ayaa waxay 50 kilimitir loo galayaa badda, halka mid ka mid ahna uu gudaha badda loo aadayo ilaa 100 kilomitir.

Si kastaba, Turkiga ayaa sida uu qorshuhu yahay bisha Sebtember ee sanadkan samayn doona sahaminta shidaalka goobihii lagu heshiiyey inay shaqada shidaalka ka qabtaan Soomaaliya.



Source link