Villa Somalia oo shaacisay sida keliya ee ciidanka Itoobiya ku joogi karaan dalka

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – La-Taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin Maxamuud ayaa shaaciyay sida keliya ee ciidanka Itoobiya uga sii mid ahaan karaan howl-galka Midowga Afrika, oo gudaha Soomaaliya ay xilligaan ku joogaan.

Xuseen ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya ay dalka kusii joogi karaan, ayada oo xukuumadda Abiy Axmed ka laabato xad-gudubka ay kula kacday Soomaaliya, taas oo ka dhigan “ka laabashada is-afgaradkii badda ee Somaliland.”

La-taliyaha amniga qaranka oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa waxa uu si cad u sheegay in ciidanka Itoobiya ay Soomaaliya sii joogi karin inta ay weli dowladda Itoobiya ku taagan taha heshiiskaasi, oo si weyn uga carootay dowladda federaalka Soomaaliya.

“Inta is-afgaradka xaaranta ahaa ay dowladda Itoobiya ku taagan tahay qeyb kama noqoneyso ciidanka Afrikaanka ah ee howl-galka gali doono,” ayuu yiri La-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin.

“Laakiin go’aankaas wuxuu isku beddeli karaa inay ka noqdaan howshaas. Howsha ka noqoshadeeda iyo dadaalkeeda waa howl socota oo dowladda Turkiga ay dhex-dhexaadinteeda wado, haddii lagu guuleysto inta uusan waqtiga naga dhamaan fursad ayay u heli doonaan in ay nabad ilaaliyaal noqdaan.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay go’aankan si rasmi ah ugu wargelisay dhinacyada ay khuseyso ee Itoobiya, ayna weli furan tahay xal ka gaarista arrintaas.

“Inta ay khuseyso rasmi ahaan waa ogyihiin, laakiin waqti howshaas lagu xaliyo ayaa weli furan,” ayuu yiri Xuseen Macalin oo sheegay in weli ay Itoobiya haysato fursad ay uga mid noqon karto howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa si weyn usii kala fogaaday kadib heshiiskii 1-da Janaayo ee sanadkaan ay magaalada Addis Ababa ku gaareen ra’iisul wasaare Abiy Axmed iyo madaxweyne Muuse Biixi, kaasi oo Itoobiya loogu saxiixayo qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, midaasi oo ganafka ku dhufatay dowladda dhexe, maadaama uu xad-gudub ku yahay madax-banaanida iyo midnimada dalka.



Source link