Ujeedka shir u dhaxeeyay DF iyo QM oo maanta ka dhacay Muqdisho + Sawirro

Posted on




Muqdisho (Wararka Maanta) – Xarunta dhexe ee hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka ee SODMA ayaa maanta marti-galisay kulan muhiim ah, kaas oo si bille ah loogu gorfeeyo xaaladaha bani’aadannimo ee dalka.

Kulankaan ayaa wuxuu u dhaxeeyay hay’adda SODMA, xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadannimada (OCHA) iyo narnaamijka horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP).

Kulanka ayaa si wadajir ah u shir-guddoomiyay guddoomiyaha hay’adda SODMA Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay George Conwey.

Waxaa diiradda lagu saaray kulanka sidii loogu diyaar-garoobi lahaa shirka madasha arrimaha bani’aadannimada (CHF) ee dhawaan lagu wado inuu qabsoomo, sidii dhaqaale soo kabasho loogu aruuri lahaa dadkii ay wax-yeelleysay saameynti El-nino iyo qorshaha ku aaddan abaarta La-nina.

Sidoo kale qodobbada laga wada-hadlay waxaa kamid ah sidii loo garab istaagi lahaa dadka uu saameeyay dab xooggan oo dhawaan ka kacay Suuqa Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar.

Sida ay sheegayso xog ururinta dabkaasi ayaa baabi’iyay 900 oo goobo ganacsi ah, islamarkaana burburiyay dhaqaale lagu qiyaasay $1.5 milyan ilaa $2 milyan.

Sidoo kale wuxuu waxyeelleeyay dabkaasi dhawaan ka kacay suuqa Hanti-wadaag ee Jowhar hab-nololeedka illaa 5,000 oo qoys.










Source link