Uganda oo dalbatay magdhowga askartii looga dilay Soomaaliya

Posted on

Kampala (Wararka Maanta) – Dowladda Uganda ayaa soo soo saartay dalab culus, kahor inta aysan ciidamadeeda kala bixin gudaha Soomaaliya, waxayna sheegtay inay u baahan tahay in lasiiyo magdhowga dhammaan askartii looga dilay gudaha Soomaaliya.

Wiilka uu dhalay Madaxweyne Museveni, sidoo kalena ah Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda General Muhoozi Kainerugaba oo qoraal soo dhigay Twitter-ka ayaa waxa ku sheegay in dowladda Mareykanka ay ka rabaan 100 Bilyan oo dollar, isla markaana ah magdhowga khasaarihii Uganda kasoo gaaray dagaalka uu Mareykanka kula jiro argagixisada Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada difaaca Uganda wuxuu ku dooday in lacagtan ay noqon doono tan ugu yar ee ay ku doonayaan inuu magdhow ahaan u siiyo Mareykanka.

“$100 bilyan oo dollar waa inta ugu yar ee aan ka rabo Mareykanka, wayna bixin doonaan lacag kasta oo magdgaw ah,” ayuu yiri Gneral Muhoozi.

Uganda ayaa ah dalka ugu  ciidamada badan howlgalka ATMIS, waxaana laga dilay askar badan, tan iyo markii ay soo galeen gudaha Soomaaliya.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Maxamed El-Amine Souef ayaa dhawaan u sheegay VOA-da in howlgalka ATMIS uu diwaangaliyay ku dhawaad ​​4,000 oo dhimasho iyo dhaawac ah oo s

Inta badan  askarta Uganda ayaa lagu dilay dagaallo ay la galeen Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyay weerarkii Buulo-mareer oo hal maalin looga dilay ugu yaraan 54 askari, sida ay qiratay dowladda Uganda.

Warkan kasoo yeeray wiilka Museveni ayaa ku soo beegmaya xilli ay haatan sii xoogaysanayso xiisadda u dhaxaysa dalalka Uganda iyo Maraykanka oo aanu wanaagsaneyn xiriirkooda, mana cadda sida uu ku suurageli karo dalabkan culus.



Source link